Dhageyso: Donald Trump oo lagu helay dhamaan dacwadihii lagusoo oogay iyo dhawaan oo la xukumayo
Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo lagu helo dambi, kaddib markii xeerbeegtida dacwaddiisa la horgeeyay ee New York ay ku heleen dhammaan 34 dacwadood ee lagu soo oogay.
Eedeymaha oo dhan waxay la xiriiraan been abuurka diiwaankiisa ganacsi si uu u qariyo lacagihii la siiyay haweeneyda lagu magacaabo Stormy Daniels oo ah haweeney jisha filmaanta aan wanaagsaneyn, lacagtaasi ayaa sida la sheegay uu Trump ku aamusiinayay ka hor doorashada madaxweynaha 2016-ki.