window.__reverb = {}; window.__reverb.__reverbLoadedPromise = new Promise((resolve, reject) => { window.__reverb.__resolveReverbLoaded = resolve; window.__reverb.__rejectReverbLoaded = reject; }); window.__reverb.__reverbTimeout = setTimeout(() => { window.__reverb.__rejectReverbLoaded(); }, 5000);

Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galagduud iyo sida hadda xaaladdu tahay

Kusoo dhawaada tebinteenna tooska oo aad ka heli kartaan wararkii ugu dambeeyay.

Tebin toos ah

  1. Lammaane haro biyo ah ka dhex helay kiishad ay ku jirto boqol kun oo dollar

    Birlab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Birlab soo qabatay santuuq lacag ah oo biyaha guntooda jiifa

    Lammaane u dhashay dalka Mareykanka ayaa maalin taajirey, ka dib markii birlab ay biro uga ku jillaabanayeen haro ku taal magaalada New York ay u soo qabatay santuuq ay ku jiraan alaab qaali ah oo harada guntooda jiifa.

    James Kane iyo Barbie Agostini oo ah dadka jillaabta biraha ku duugan biyaha ayaa Jimcihii la soo dhaafay waxay xarig ku xireen birlab ama birqabato qofba sida uu u yaqaan, ka dibna waxay ku tureen harada Corona Park si ay ugu soo qabato biro, balse waxay u soo qabatay santuuq yar oo qafilan, kaas oo ay ku jirto alacag isku xiran.

    “markii aan furnay waxaan ku aragnay wax aan la yaabnay”, ayu yiri Mr. kane oo intaas ku daray, “waa boqol kun oo isku xiran, taas oo yara qoyan, waan aamini weyney.

    Lammaanahan oo ka cabsaday in daalac loo soo raacdo ayaa suntuuqii lacagta ahaa geeyey saldhiiga Booliska, balse waxaa loo sheegay in aysan jirin wax faldambiyeed ah oo lala xiriirinayo lacagtaas, islamarkaana aysan hayn wax tixraac ah oo muujinaya in lacagtaas horay loo baytiyey. Sidaas darteed waxaa lammaanaha loo oigolaaday in ay haystaan santuuqa iyo laacgta ku jirtya.

    Lammaanaha ayaa sheegay in ay ku jillaabashada abirlabta ee loo yaqaan “magnet fishing” ay billaaabeen intii uu socdey cudurkii safmarka ahaa ee Corona.Waxay kaloo sheegaan in ay birlabta horay ugu helaan alaabo badan oo macduun ah ooay ku jiraan kuwo qarniyo aasnaa ama biyaha guntooda yaalley.

  2. Mareykanka oo rejo ka muujiyey xabad joojin ka hirgasha Qasa

    Bariga Dhexe

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mareykanka o waanwaan ka dhex wada Xamas iyo Israa';iil

    Dowladda Mareykanka ayaa rejo ka muujisay in Israa’iil aqbali doonto hindise xabadjoojin ka hirgasha marinkaQasa, sida laga soo xigtey mas’uul sare oo ka tirsan AqalkaCad ee looga arrimiyo dalkaas.

    Xabadjoojintan oo Saddex waji ah ayaa hadii la isku raaco waxay ku billaabaneysa Lix todobaad oo la hakinayo dhammaan colaadaha, si loo suurtogeliyo in gargaar bini’aadamnimo la gaarsiiyo dadka tabaaleysan islamarkaana la sii daayo qaar ka mid ah maxaabiista la kala haysto.

    Mudada lagu jiro wajiga koobaad ee xabadjoojinta ayaa lagu wadaa in labada dhinac ee dirirtu ka dhexayso yeeshaan wadahadallo toos ah oo looga arrinsanayo tillaabada xigta ee u baahan la qaado.

    Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka ABC wuxuu ku sheegay in Mareykanku uu ku han weyn yahay in haddii Xamaas laga helo, Israa’iil ay durbadiiba aqbali doonto hindisaha xabadjoojinta.

    Hindisahan oo ka soo fulay xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayey Falastiiniyiinta iyo Isra’il siyaabo kala duwan uga falcelceliyeen.

    Ururka Xamaas oo laga shaki qabay sida uu u aqbalayo hindisaha Mareykanka ayaa niyad wanaag ka muujiyey in la gaaro xabadjoojin rasmi ah ay fure u noqon karto rumeynta himilooyinka ay hiigsanayaan.Taas beddelkeeda waxaa hindisaha mareykanka genefka ku dhuftay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo sheegay in aysan aqbalaneyn wax wax xabadjoojin ajh taniyo inta ay ka libkeenayaan hadafkooda.

    Madaxweyne Biden oo cadaadis kala kulmaya dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayaa isku dayaya in uu xal u helo mashaqada ka taagan marinka Qasa, kaas oo haddii uusan xal deg-deg ah u keenin salfan kara kursigiisa – maadaama uu dabyaaqada sannadkan u ballanan yahay doorasho aad loogu loollami doono.

  3. Ciyaaryahanka Mbappe oo heshiis la saxiixday Real Madrid

    Spain

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciyaaryahanka kubadda cagta Kylian Mbappe ayaa saxiixay heshiis uu si xor ah ugu biiray Real Madrid kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisii Paris St-Germain 30ka June.

    Weeraryahanka reer ayaa af ahaan ogolaaday inuu u dhaqaaqo Bernabeu bishii Febraayo ka dibna wuxuu ku dhawaaqay bishii May inuu ka tagayo PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan.

    Mbappe oo 25 jir ah, ayaa hadda heshiiska u saxiixay Real Madrid, waxaana uu u tagi doonaa Spain marka uu furmo suuqa kala iibsiga La Liga 1da Luulyo.

    Madrid ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo heshiiska toddobaadka soo socda, waxaana ay qorsheynayaan inay si rasmi ah weeraryahanka ugu soo bandhigaan Bernabeu ka dib ciyaaraha Euro 2024.

    Mbappe oo ku guuleystay Koobka Adduunka 2018, ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya PSG isagoo dhaliyay 256 gool tan iyo markii uu amaah ahaan ugaga soo biiray Monaco 2017.

    Waxa uu Real la galay heshiis uu kula joogayo ilaa 2029, waxa uu mushahar ahaan u qaadan doonaa 15m euros (£12.8m) xilli ciyaareedkiiba, iyo 150m euro (£128m) oo gunno saxeex ah oo uu ku qaadan doono muddo shan sano ah.

    Laacibka reer ayaa fursad u heli doona inuu ka garab ciyaaro Luka Modric, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia uu qarka u saaran yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda.

  4. Wargeyska Haaretz"Biden wuxuu doonayaa nabad laakiin Israa'iil waxay rabtaa dagaal

    Israel

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Bannaanbax ka dhacay Tel Aviv oo looga soo horjeedo Netanyahu, laguna dalbanayay sii deynta la haystayaasha

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay hindise lagu joojinayo dagaalka Gaza, taas oo ay maanta si weyn u hadal hayaan wargeysyada, xilli magaalada Tel Aviv ay ka socdaan dibadbaxyo ay dhigayaan kumannaan Israa’iiliyiin ah oo ay ku dalbanayaan in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalo heshiis dib loogusoo celinayo lahaystayaasha Israa’iil ee ku sugan Marinka Qasa.

    Laakiin Netanyahu, oo diiday inuu ogolaado hindise hore oo ay ansixisay Xamaas, ayaa ku celceliyay "in dagaalka socda tan iyo toddobadii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay uu sii socon doono ilaa Xamaas la ciribtiro, taas oo keentay in qoraa Gideon Levy uu ku sheego diidmada Israel ee hindisaha Joe Biden." Soo jeedinta ugu wanaagsan iyo fursadda ugu dambeysa ee lagu samata bixin karo la haystayaasha waxay noqonaysaa dembi dagaal,” ayuu qoraagu sharraxay.

    Levy waxa uu ku sheegay maqaalkiisa lagu daabacy Axaddii wargeyska Hebrew ee Haaretz, “Benjamin Netanyahu waxa uu diiday soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka fiidnimadii Jimcaha - taas oo uu horeba u sameeyay .”

    Qoraaga Levy waxa uu intaa ku daray: "Biden wanaag ayuu doonayaa, Israa'iilna waxa ay muujisay niyad xumi , Biden waxa uu rabaa nabad, laakiin Israa'iil waxa ay dooneysaa dagaal. Xitaa Xamaas, ayaa waqtigan in badan kaga doonis badan nabadda Israa'iil."

  5. Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif oo war ka soo saaray tacaddiyo ay sheegeen in loo geysto suxufiyiinta

    Soomaaliya

    Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac xooggan ka muujiyay waxa ay ku sheegeen xayiraadaha iyo cadaadiska sii kordhaya ee ay la kulmayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

    War qoraal ah oo lagu daabacay bogga uu xisbigu ku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in Xisbiga Himilo Qaran uu diiwaangaliyay dhacdooyin dhowr ah oo lid ku ah xorriyadda hadalka iyo saxaafadda madaxa bannaan, sida dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay sheegeen in si sharci darra ah loo dhisay, iyadoo beey yiraahdeen la baalmaray qaab dhismeedka ku qeexan qoddobka 14aad ee wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

    Qoraalka ayaaa sidoo kale lagu sheegay in Xisbiga Himilo Qaran uu diiwaangeliyay xayiraaddo la saaray Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo xarigga soo laalaabtay ee suxufiyiinta loo geysanaayo.

    Xisbiga ayaa sheegay in falalka noocaan ah ay wiiqayaan doorka muhiimka ah ee saxaafadda madaxa bannaan ku leedahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo wacyi gelinta bulshada.

  6. Xogahayaha Guud ee ANC: Wax loo dabbaaldega ma jiraan ka dib natiijadii liidatay ee codbixinta

    Koonfur Afrika

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xoghayaha guud ee xisbiga ANC Fikile Mbalula’s ayaa goor dhaweyd soo gabagabeeyay shir jaraa’id.

    Waa kuwan qodobada ugu muhiimsan ee uu ka hadlay:

    ·Waxa uu qirtay in aysan jirin wax loo dabaaldego ka dib natiijada codbixinta ee liidatay

    ·Wuxuu ku boorriyay dadka inay ixtiraamaan sharciga oo ay ka hortagaan dadaalka lagu wiiqayo natiijada

    ·Waxa uu sheegay in ANC ay ka go’an tahay in la dhiso dowlad ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Koonfur Afrika

    ·Waxa uu sheegay in ANC ay "qof walba la hadlayso" iyagoo isku dayaya in ay helaa isbahaysi ay wada shaqeeyaan

    ·Mid ka mid ah qoddobada aan gorgortanka lahayn ayaa la caddeeyay taas oo ah, in madaxweyne Cyril Ramaphosa uu sii ahaan doono hoggaamiyaha ANC

    ·Laakin waxa uu qiray in ANC, ha jeclaato ama yeysan jeclaane, in la joogo "xilligii isbaheysiga"

    ·Xoghayaha guud ayaa sheegay in natiijada hooseeysay ee doorashada ee ANC ay muujisay in xisbigu uu u baahan yahay in uu isa saxo

    ·Waxa uu qiray in koronto la’aanta iyo biyo la’aanta ay ahaayeen arrimaha ugu muhiimsan ee keenay natiijada xun ee ANC.

  7. Koonfur Galbeed oo ka hortimid qorshaha dowladda ee ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Koonfur Galbeed

    Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay hadal uu dhawaan warbaahinta siiyay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin, kaas oo ahaa in ciidamadda itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadkan 2024.

    Hadal qoraal ah oo lagu daabacay bogga ay wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ku leedahay barta X ee Twitterka horrey loogu yaqiin ayaa sidan u qornaa “ Koonfur Galbeed waxa ay ka warqabta in shaqsiyaad marin habaabin wado ay isticmaalayaan maalmahan baraha bulshada sida Xusen M “

    “Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadcelineynaa ka qeeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sii wadi doonaan in ay si joogaan oo ay doorkooda ka qaataan gobolka”

  8. Booliska oo xiray 53 qof ciyaartii kama dambeysta ee Champions League

    UK

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Booliska ayaa xiray 53 qof ciyaartii finalka ee Champions League,kuwaas oo badiyaaba isku dayey in ay tigidh la’aan ku galaan garoonka.

    Booliska ayaa sheegay in shan qof loo xiray inay gudaha u galeen garoonka.

    Ilaalinta ciyaarta finalka waxay qayb ka ahayd hawlgal wayn oo ay boolisku ka fuliyeen magaalada London Sabtidii, iyadoo in ka badan 2,000 oo askari oo boolis ah heegan la geliyay.

    Gelinkii hore shalay, kumannaan qof ayaa ka soo qeyb galay mudaaharaad uu soo qabanqaabiyay dhaqdhaqaaqa midigta fog Tommy Robinson, iyo mudaaharaad kale kaas looga soo horjeeday. Booliska ayaa sheegay in labo qof lagu xiray agagaarka barxadda Baarlamaanka oo uu mudaaharaadku ku dhammaaday.

    Mudaaharaad kale oo ka dhacay London, sagaal qof oo Falastiiniyiin taageersan ayaa la xiray.

    Ka dib ciyaartii finalka Wembley, oo Real Madrid ay 2-0 ku garaacday kooxda Jarmalka ee Borussia Dortmund, afhayeen u hadlay Booliska Met ayaa sheegay "in ay ku kalsoon yihiin inta badan" isku daygii lagu doonayay in garoonka lagu galo in lagu guuldareystay.

  9. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amababaxay Kuuriya

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Hamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka, iyaga oo kusii jeeda magaalada Seoul ee Kuuriyadda Koonfureed oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika, kaas oo qabsoomaya 4 – 5ta Juun.

    Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaalle ayaa warbaahinta uga warramay shir madaxeedka 2024 ee Kuuriya iyo Afrika. Waxa uuna sheegay in Ra’iisulwsaaaruhu uu ka qeybgali doono shirweynihii ugu horreeyay ee Kuuriya iyo Afrika.

    “Shirka ayaa waxa looga wada hadli doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Kuuriya iyo Afrika ee soo bilowday 1950kii”.

    Inta uu shir madaxeedku socdo waxa ka qeybgeli doonoo madax ka socota Midowga Yurub iyo Bangiga Horrumarinta Afrika waxaana looga wadahadli doono sidii ay iskaashi ula yeelan lahaayeen qaaradda Afrika.

    Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madasha Shirka taas oo uu kaga hadli doono xaaladda Soomaaliya, isagoo kullamo gooni gooni ah la yeelan doono madaxda Afrika ee shirkaasi ka qeeybgaleysa.

  10. Laba wasiir oo Israa'iil ah oo ku hanjabay inay burburin doonaan isbaheysiga talada haya

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Laba wasiir oo midigta-fog ah oo ka tirsan dowladda Israa’iili ayaa ku hanjabay inay ka baxayaan oo ay burburin doonaan isbahaysiga talada haya, haddii Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu uu oggolaado hindisaha xabbad-joojinta Qaza ee uu daaha ka rogay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden Jimcihii.

    Wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in la galo heshiis kasta ka hor inta aan la burburin Xamaas.

    Balse hogaamiyaha mucaaradka Yair Lapid ayaa ballan qaaday in uu taageerayo dowladda haddii Mr Netanyahu uu taageero qorshaha.

    Ra'iisul wasaaraha laftiisa ayaa ku adkeystay in aysan jiri doonin xabbad joojin joogto ah ilaa la burburiyo awoodda militari iyo maamul ee Xamaas, lana sii daayo dhammaan la haystayaasha.

    Soo jeedinta Mr Biden oo ka kooban saddex qaybood ayaa ku bilaaban doonta xabbad joojin lix toddobaad ah oo ay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) uga baxayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Qaza. Heshiiska ayaa ugu dambeyntii horseedi doona in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, "joojinta colaadaha" si joogto ah iyo qorshe weyn oo dib loogu dhisayo Qaza.

    Laakiin qoraal uu Sabtidii soo dhigay baraha bulshada ayuu Mr Smotrich ku sheegay in uu Mr Netanyahu u sheegay in aanu ka mid noqon doonin hadii dawladdu ogolaata qorshaha la soo jeediyay oo soo afjaraya dagaalka iyada oo aan la burburin Xamaas oo aan soo celin dhamaan la haystayaashii”.

    Isagoo heshiiska ka hadlaya ayuu Mr Ben-Gvir yiri "heshiisku wuxuu ka dhigan yahay dhammaadka dagaalka iyo ka tanaasulidda hadafkii lagu burburin lahaa Xamaas"

    Waxa uu wacad ku maray in uu “dawladda la kala diri doono” intii uu ogolaan lahaa heshiiska"

  11. Daadad xooggan oo ku dhuftay qeybo ka mid ah koonfurta dalka Jarmalka

    Germanay

    Xigashada Sawirka, EPA

    Daadad xooggan ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah koonfurta dalka Jarmalka. Dhowr goobood ayaa lagu dhawaaqay aagagga musiibada.

    Heerka webiga ayaa si degdeg ah sare uguu kacay, ka dib roobab mahiigaan ah iyo duufaano. Meelaha qaarkood ka dhacay, biyuhu waxay gaareen heerkii ugu sarreeyay muddo qarni ah.

    Biyo-xireen ayaa karkaarada jabsaday degmada Diedorf, waxaana qasab noqotay in xabsiga Memmingen la daadgureeyo. Boqolaal qof ayaa loo sheegay inay ka baxaan guryahooda, oo aan ka fogeyn harrada Constance.

    Kooxaha samatabbixinta oo watay doomo - iyo diyaarad helikobter ah ayaa ka caawinayay dadka inay baxsadaan. Tareenada ka baxa Bavaria ilaa Switzerland ayaa la joojiyay. Roob badan ayaa la saadaalinayaa saacadaha soo socda.

  12. Hinidiya,Modi oo laga yaabo in uu mar saddexaad oo xiriir ah ku guuleeysto doorashda

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayey u badan tahay inuu ku guuleysto markii saddexaad oo xiriir ah xafiiska, sida ay muujinayso ra'yi ururintu.

    Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya codbixinta oo ay baahiyeen wakaaladaha kala duwan ee wararka, in codbixinta ay marar badan horrey uga dhaceen khaladaad oo aanay dhexdhexaad ahayn.

    Si kastaba ha ahaatee, waxay u doorteen xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee Mr Modi inuu yahay murashaxa ugu cadcad doorashada guud.

    BJP, xisbiga ugu weyn ee Congress-ka iyo asxaabta kale ee ay xafiiltamaan ee gobolka ayaa ku tartamay olole adag oo ku dhacay todoba weji oo codbixin ah.

    Natiijooyinka waxaa lagu dhawaaqi doonaa 4 June.

    Xisbi ama isbahaysi, wuxuu u baahan yahay 272 kursi oo baarlamaanka ah si uu xukuumad u soo dhiso.

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo BJP, Isbahaysiga Dimuqraadiga Qaranka (NDA), ayaa ka gudbi doona yoolkan - marka loo eego ra'yi dhiibashada.

    Haddii uu ku guuleysto Mr Modi, waxa uu noqonayaa ra'iisul wasaarihii labaad ee India oo xilka haya saddex xilli oo xiriir ah.

  13. Wax ka ogow muhimadda baradhada iyo sida ay dunida u badashay?

    Baradhada

    Bishii Diseembar 2023, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa go'aansaday in 30-ka May loo asteeyo Maalinta Caalamiga ah ee Baradhada si kor loogu qaado wacyiga nafaqeynta, dhaqaalaha, deegaanka iyo qiyamka dhaqan ee baradhada iyo waxtarkeeda iyo sida ay u tahay kheyraad cunto oo qiimo leh iyo isha dakhl ee waxsoo saarka miyiga.

    Baradhadu waa mid ka mid ah dalagyada cunto ee ugu waaweyn adduunka.

    Baradhada ayaa ah dalagga afaraad ee ugu muhiimsan adduunka marka laga reebo bariiska, sarreenka, iyo galleyda, waana kan ugu horreeya dalagyada aan xbuubta lahayn.

  14. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay degmada Bardaale

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wararka ka imaanya degmada Bardaale ee goobolka Bay ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal u dhexeeyo ciidanka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.

    Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, kaas oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararku sheegayaan in dadka dhintay uu ka mid yahay talihii saldhigga degmada Bardaale Aliyow Boorow.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid culus, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan noocyada kal duwan ee hubka, sida ay soo werinayaan dadka deegaanka.

    Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalka Bardaale.

  15. Yaa qaadi doono koobka ciyaarta caawa ee Champions Leagu?

    Champions League Final

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Waxa caawa garoonka Wembley Stadium, London, ka dhici doonto ciyaarta fiinalka Champions League taas oo dhexmari donto– Real Madrid v Borussia Dortmund, ciyaartaas oo bilaaban doonto 20:00 waqtiga UK kuna beegan 10:00 waqtiga Afrikada Bari.

    Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in ciyaartoydiisu ay dareemi doonaan “cabsida” fiinaalka Champions League marka ay Wembley ku wajahaan Borussia Dortmund.

    Real Madrid oo14-ka jeer ku guulaysatay tartanka ayaa la ciyaari doonto kooxda ugu cad cad kooxaha Jarmalka taas oo ku dhameysatay kaalinta shanaad ee Bundesliga xilli ciyaareedkan.

    Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti - macalinka ugu guulaha badan tartankan oo leh afar koob - wuu ogyahay in aanu haysan damaanad qaad uu koobkaasi ku qaadayo.

    “Ciyaarta finaalka ee Champions League waa kulanka ugu muhiimsan iyo midka ugu adag,” ayuu yir Ancelotti.

  16. Degmada Dharkenley ee Muqdisho waddooyin xirnaa oo dib loo furay

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Masuuliyiinta degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa maanta howlgal waddo furis ah ka bilaabay gudaha degmadasi, waxaana lagu furay illaa saddex waddo.

    Waddooyinkan oo xirnaa muddo sannado aha ayaa ugu dambeyn saaka lagu guuleystay in dib loo furo, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

    Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday maamulka degmada oo kaashanaya mas’uuliyiinta gobolka Banaadir.

    Waddooyinka saakay la furay ayaa u xirnaa shaqsiyaad gaar ah oo guryo bacweyne ah ka dhex dhistay waddada dhexdeeda , taas oo ay dhibaato ku qabeen shacabka degamadaasi ku nool

    Guddoomiyaha Degmadda Dharkeynley Yuusuf Xundubey ayaa warbaahinta u sheegay in ay waddo kasta oo xiran oo si sharco darro ah lo degay ay furi doonaan iyaga oo kaashanaya shacabka degmada

  17. Xisbigii uu mar hogaaminayey Nelson Mandela oo la kulmay natiijadii ugu xumayd ee doorashada

    Koonfur Afrika

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Cyril Ramaphosa ayaa xilka madaxweynenimada kala wareegay Jacob Zuma 2018kii ka dib loolan adag oo dhanka awoodda ah

    Xisbiga ANC ee uu mar hogaaminayey Nelson Mandela ayaa la kulmay natiijadii ugu xumayd ee doorashada tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorkii Koonfur Afrika, 30 sano ka hor.

    Natiijooyinka doorashada degmooyinka ee 99% ayaa lagu dhawaaqay in ANC ay heshay 40%.Tani waa hoos u dhac aad u daran tan iyo doorashadii hore oo ay ANC heshay 57%

    Natiijada Doorshada ayaa macneheedu yahay inay awoodda la wadaagto hal xisbi ama dhawr xisbi. Hogaamiyayaasha ANC ayaa isku diyaarinaya wadahadalo isbahaysi oo adag.

    Xisbiga midigta dhexe ee Democratic Alliance (DA) ayaa weli ah xisbiga labaad ee ugu weyn isagoo helay 22%.

    Xisbiga cusub ee MK oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore Jacob Zuma ayaa ku jira kaalinta saddexaad isagoo helay 15%. Waxa uu beddelay xisbiga xagjirka ah ee EFF oo saamigoodu hoos ugu dhacay 9%.

    Saami qaybsiga kuraasta Golaha Shacbiga oo ka kooban 400 oo xubnood ayaa ku saleysnaan doonta saamiga codadka la kala helay,

  18. Biden oo soo bandhigay qoddobo lagu joojinayo dagaalka Gaza

    USA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku boorriyay Xamaas inay aqbasho hindisaha cusub ee Israa’iil ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza, isagoo sheegay in la gaaray waqtigii dagaalkan uu dhamaan lahaa.

    Hindisahan oo ka kooban saddex qaybood ayaa ku bilaaban doona xabbad joojin lix toddobaad ah oo ay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) uga baxayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Gaza.

    Waxaa sidoo kale jiri doona "kor u kaca" gargaarka bini'aadannimo, iyo sidoo kale in la isku beddesho sii deynta qaar ka mid ah la haystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta.

    Heshiisku wuxuu ugu dambeyntii horseedi doonaa "joojin colaadeed" oo oogto ah iyo qorshe dib loogu dhisaya Gaza.

    Xamaas waxay sheegtay inay u aragto hindisaha "mid wanaagsan".

    Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad Jimcihii, Mr Biden ayaa sheegay in wejiga koowaad ee qorshaha la soo jeediyay ay ka mid yihiin "xabad joojin buuxda oo dhameystiran", ka bixitaanka ciidamada IDF ee meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo in lahaystayaasha lagu beddesho maxaabiista Falastiiniyiinta.

    "Runtii waxa la jooga waqti muhiim ah oo go'aan qaadasho leh," ayuu yiri. "Xamaas waxay sheegtay inay doonayso xabbad joojin, heshiiskani uu yahay fursad lagu caddaynayo in heshiisku uu yahay mid dhab ah."

    Biden ayaa sheegay in xabbad-joojinta, ay oggolaanayso in gargaar bini'aadannimo oo dheeraad ah la gaarsiiyo dhulka go'doonsan, iyadoo "600 oo baabuur oo xamuul ah oo gargaar ah la geynayo Gaza maalin kasta".

    Wajiga labaad waxaa dib loo soo celin doonaa la haystayaasha nool oo dhan, oo ay ku jiraan askarta lahaysto. Xabad-joojintu waxay markaas noqonaysaa "in dagaalka loo joojiyo si joogto."

    Dadka Xamaas ku boorriyay inay oggolaadaan hindisahan waxaa ka mid ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK David Cameron.

  19. Sawirkii ugu aragtida iyo hadal heynta badnaa baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay iyo sida uu ku billowday

    Rafax

    Xigashada Sawirka, shahv4012/Instagram

    Sawir AI ama macmal ah oo muujinaya xeryo teendho ah oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ay ku suganyihiin iyo hal-ku-dhigga 'Indhaha oo dhan waxa ay kusii jeedaan Rafax ayaa si weyn u dhex socda baraha bulshada.

    Sawirka waxaa la isticmaalay in ka badan 47 milyan oo jeer kuwaas oo ahaa isticmaaleyaasha Instagram oo ay ku jiraan dadka caanka ah sida Dua Lipa, Lewis Hamilton iyo Gigi iyo Bella Hadid iyo ciyaartoyda kubadda cagta qaarkood.

    Muuqaalka iyo halku-dhigga ayaa noqday mid faafa ah ka dib markii ay Israa’iil duqaymo ka geysatay xero ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah oo ku barakacay magaalada Rafax ee koonfurta Qasa horaantii toddobaadkan.

    Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 qof ay ku dhinteen duqaymahaas boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen. Israa'iil waxay sheegtay inay beegsatay laba taliye oo Xamaas ah, waxaana laga yaabaa in dab khasaare badan dhaliyay uu ka dhashay qarax labaad.

    Waxaa jirtay cambaareyn caalami ah oo si weyn loo cambaareeyay weerarka Israa’iil.

    Dhacdadan ka dib, sawirka ayaa noqday mid si weyn loo arkayo ka dib markii nin dhalinyaro ah oo ku nool Malaysia uu soo dhigay bartiisa bulshada, BBC Arabic ayaa ogaatay.

    Haddaba sidee buu sawirkani ku yimid?

    Halkee buu ka bilaabmay hal-ku-dhegga indhaha oo dhan waxa ay ku jeedaan Rafax?

    Dhacdadii dhimashada lahayd ee horraantii toddobaadkan ka dhacday Rafah ayaa horseeday in dadku soo dhejiyaan muuqaallada Richard Peeperkorn, oo ah wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka ee dhulka la haysto ee Falastiin, isagoo hadlaya bishii Febraayo.

    Wuxuu u sheegay saxafiyiinta xilligaas in "indhaha oo dhan ay ku wajahan yihiin Rafah", isagoo ka digay ciidamada Israa'iil ee weeraray magaalada.

  20. Heesihii laga helay kombiyuutarkii Usaama bin Laden

    Usaama

    Xigashada Sawirka, AFP

    Sanadkii 2017 kii, CIA da Maraykanka ayaa baahisay ku dhawaad afar boqol oo dukumenti oo laga helay kumbiyuutarkii Usaama Bin-Laden oo ay ku soo qaaten weerarkii ay ku dileen.

    Dukumiintiyadaan ayaa isugu jiray codad, masawiro iyo muuqaalo. Sagaashan boqolkiiba xogta laga helay kombuyuutarkiisa waxay ku qornayd carabi, laakiin waxay u muuqatay in uu baranayay luuqado kale, sababtoo ah waxaa ku jiray qoraalada laga helay kombiyuutarkiisa, joornaalo ku qoran af Ingiriis.

    Xogtaan waxay sheegaysaa in bin Laden uu xiisayn jiray music ga oo uu haystay heeso u badan Hindi iyo kuwa kale oo lagu sameeyay afka Pashto ga ee looga hadlo waddanka uu waqtiga ku qaatay ee Afghanistan.

    Waxyaabaha laga helay gurigiisa waxaa kamid ah buugaag uu qoray Maulana Maududi oo ah aasaasaha xisbiga Jamaat -e- Islami ee ka dhisan Pakistan.