Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galagduud iyo sida hadda xaaladdu tahay
Kusoo dhawaada tebinteenna tooska oo aad ka heli kartaan wararkii ugu dambeeyay.
Tebin toos ah
Qoorqoor oo wasiirro cusub magacaabay
Xigashada Sawirka, Daljir
Qoraalka sawirka, Qoorqoor oo Wasiirro magacaabay
Madaxweynaha dowlad-goboleedka
Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay wasiirro cusub oo ka mid
noqonaya maamulkiisa.
Sida lagu
shaaciyey wareegto ka soo baxday madaxtooyada Galmudug oo nuquul ka mid ah ay
BBC-du heshay, Mr. Qoorqoor ayaa magacaabay 4 wasiir, 2 wasiiru-dowle iyo 1
wasiir ku xigeen. Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:
Dood fool ka fool ah oo telefishinka ah oo caawa dhexmari doonto Sunak iyo Keir Starmer
Rishi Sunak Ra'iisulwasaaraha Uk iyo hoggaamiyaha xisbiga mucaardka ah ee Labour Keir Starmer ayaa isku diyaarinaya inay fooda is daraan dooddii ugu
horreysay ee fool ka fool ah telefishinka taas oo ku saabsan doorashada UK.
Hogaamiyayaasha
Tory iyo Labour ayaa isku dayi doonaan inay kala qeexaan xisbiyadooda inta
ay dooddu socoto
Doodda ayaa
lagasii deyn doonaa si toos ah telefishinka ITV saacadda 21:00 .
Dhanka kale,
laba qof ayaa la xiray ka dib markii cabitaanka caanaha qudaarta ka sameysan
lagu tuuray hogaamiyaha Reform UK Nigel Farage xaafadda Clacton.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbadiisa shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed kaga hadlay fursdaaha ka jira Afrika
Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi
Barre ayaa khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo
Afrika waxa uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya Koonfureed
iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo
tiknoolajiyadda.
Ra’iisul
Wasaaraha ayaa khudabddiisa ku sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka
sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga
Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo
iskaashi dhinaca ganacsiga.
Mudane Xamsa
waxa uu ka hadlay in Soomaaliya ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa
Afrika iyo Asia, isla markaana Alle ugu deeqay kheyraad dabiici ah, isagoo
Intaa raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyada
amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyadaeed
ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.
Waxa uu
sheegay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada,
tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub
ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya
Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Ra'iisul wasaare Narendra Modi oo ku dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada Hindiya
Xigashada Sawirka, re
Qoraalka sawirka, Modi oo masraxa taagan mar sii horreysay
Ra'iisul
wasaare Narendra Modi ayaa ku dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada Hindiya,
inkastoo isbaheysigiisu ay ka hooseeyaan 400 oo kursi ee ay doonayeen in ay ku guuleystaan.
Isbahaysiga
uu hogaamiyo BJP ayaa ku hogaaminaya wax ka yar 300 oo kursi, halka xisbiyada
mucaaradka ay ka horreeyaan ilaa 230
Xisbiga ama
isbahaysig ku guulaysta in ka badan 272 kursi oo ka mid ah 543 xubnood ee
baarlamaanka ayaa soo dhisi kara xukuumadda.
Isaga oo ka
hadlayey Delhi, waxa uu u mahadceliyay codbixiyaasha "Gudashada waajibaadkooda"
"Dadku
waxay rumaysteen NDA (Isbahaysiga Dimuqraadiga Qaranka) mar saddexaad oo isku
xigta," Modi ayaa ku qoray sdiaasi barta X mar sii horreysay. "Tani
waa mid taariikhi ah oo ku suntan taariikhda Hindiya"
Doorashadii
ugu wayneyd adduunka waxa la qabtay todobo waji mudo lix todobaad ah, iyada oo ku
dhawaad hal bilyan oo qof ay isku diwaan galiyeen in ay codeeyaan.
Maamul goboleedyo ku yaal Kenya oo sheegay in ay mam-nuuceen qaadka nooca Muguka
Dalka Kenya waxaa wali ka socota dood ka dhalatay
mamnuucidda qaadka nooca loo yaqaano Muguka.
Barasaabyada
6 maamul gobleed oo ku yaalla xeebta dalka Kenya ayaa sheegay in ay
deegaanadooda ka mamnuuceen qaadkan.
Barasaabyadan
ayaa sidoo kale ku gacan seyray inay la kulmaan wasiirka beeraha Kenya Mithika
Linturi si ay ugala hadlaan mamnuucidda noocan qaadka kamidka ah. Halkan ka
dhageyso wareysi ku saabsan qoddobkaas.
Qoraalka Codka, Qaadka Muguka
Maxkamadda Racfaanka oo denbi ku weysay masuuliyiin ku eedeysnaa musuqmaasuq
Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maantay dib
ugusoo celisay xorriyadooda laba Agaasime Agaasime oo hore oo ka tirsanaa
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsha kadib markii ay laashay dacwaddii musuqmaasuq ee loo haystay.
Guddoomiyaha Maxkamadda
Racfaanka Gobolka Banaadir, Siciid Cali Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in aanay wax
dembi ah ku helin Agaasimeyaashii hore ee Wasaaradda, C/laahi Maxamed Cali iyo
Maxamed Cadde Mukhtaar, isagoo ku amray hay’adaha ay khusayso in la sii daayo
oo xorriyadooda dib loogu celiyo.Dhanka kale Waxa ay Maxkamadda ku xukuntay C/waaxid Muxsin Ibraahim oo maqane
ah saddex sano oo xarig ah.
Raggan ayaa xabsiga ku jiray
labadii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii lagusoo eedeeyay in arrimo la
xiriira musuq-maasuq ay ka sameeyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wasiir Fiqi oo u ambabaxay New York si uu uga qeybgalo kulanka doorashada xubnaha Golaha Ammaanka
Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed
Macallin Fiqi, ayaa maanta safar ugu amabaxay magaalada New York, isaga oo
hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya meertada 78aad ee fadhiga guud
ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taas oo lagu wado
inay qabsoonto 6 bishan June.
Soomaaliya oo ah murashax , ayaa murashaxnimadeeda ku
dhawaaqday sanadkii 2018, waxayna si rasmi ah taageero uga heshay kulankii caadiga
ahaa, meertadiisa 44aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ee qabsoomay bishii
Febraayo ee sanadkan.
Mbappe oo sheegay in ku biiristiisa Real Madrid ay tahay riyo rumowday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Weeraryahanka
reer Kylian Mbappe ayaa sheegay in ay tahay “riyo rumowday” iyadoo la
xaqiijiyay in uu ku biirayo kooxda Real Madrid ee mudada dheer la sugayay in uu ku biiro.
Waxa uu mushaar ahan u qaadan doonaa 15m euros (£12.8m) xilli ciyaareedkiiba, iyo 150m euro (£128m) oo gunno
saxiix ah oo uu ku heli doono doono muddo shan sano ah, waxaana uu ilaalin
doonaa qeyb ka mid ah xuquuqda sawirkiisa.
"Qofna
ma fahmi karo sida aan hadda ugu faraxsanahay!" Mbappe ayaa sdiaasi soo
dhigay Instagram-ka.
"Riyo
rumowday, aad ayaan ugu faraxsanahay oo aan ugu hanweynahay inaan ku biiro
kooxdii riyadeyda."
Sidee fadeexadda lagu helay Trump u saameysay xaaskiisa Melania?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Melania Trump oo loogu baaqay in ay ka tagto saygeeda
Madaxweynihii
hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dacwaddii dhawaan lagu oogey ee
la xiriirtey shaqshaqasho ay sameyn qallafsan ku yeelatay xaaskiisa.
Dacwadan oo in
muddo sahba soo jiitameysey ayaa la xiriirtay eedeyn ay Trump u jeedisey gabar
ka mid ah kuwa jila filimada “qaangaarka” loo yaqaan oo lagu magacaabo Stormy Daniels,
taas oo sheegtay in uu xodxotay dabadeed lacag shaqshaqasho ah siiyey xilli uu
degenaa magaalada Washington.
Xeerbeegti u
fariisatay dacwadda shaqshaqashada ayaa todobaadkii
la soo dhaafay Trump ku helay dambi lagu soo eedeeyey.
Donald Trump oo
goor dambe hadlay ayaa ganafka ku dhuftay go’aanka xeerbeegtida oo uu ku tilmaamay
mid la siyaasadeeyey, islamarkaana looga gollahaa in sumcadiisa iyo tan
qoyskiisa lagu dhaawaco.
Mr. Trump ayaa sheegay
in dacwadda lagu soo oogey xilli xasaasi ah oo uu u taagan yahay doorashada
madaxtinimada oo lagu wado in ay dalkaas ka dhacdo dabayaaqada sannadkan,
wuxuuna si gaar ah u xusay in fadeexadani ay nyad ahaan saameysay xaaskiisa Melania.
Stormy
Daniels ayaa mar ay saxaafadda la hadashay sheegtay in Donald Trump uu ceeboobay
islamarkaana uu mudan yahay in lagu xukumo xabsi adag. Waxayna dhanka kale
fariin u dirtay xaaskiisa Melania Trump oo ay ku guubaabisey in ay isaga tagto
si uusan sumacaddeeda ula degin
, Banki caan ah oo loo hyasto in uu taageero argagixiso
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Banki loo haysto in uu si dadban ula shaqeeyey kooxo loogu yeeray "argagixiso".
Banki laga leeyahay dalka Britain ayaa ka baxsaday dacwada la
xiriirta in uu fududeeyey qorshe malaayiin Doollar oo lacag ah loogu gudbiyey kooxo
taabacsan argagixiso.
Sida ku cad waraaqo caddeyn ah oo lagu soo bandhigay maxkamad
ku taal Mareykanka, Bankiga Standard
Chartered oo ka mid ah bankiyada ugu waa weyn UK, ayaa ka bedbaadey dacwad uga
timaadda Waaxd Caddaalad Mareykanka, ka dib markii ay soo faragelisey xukuumaddii
Lord Cameron 2012.
Caddeymo cusub oo la hor keenay maxkamad ku taal magaalada New York
ayaa muujinaya in bankigani kulug yeeshay macaamilaad maaliyadeed oo ku kacaya
qiime dhan Boqol bilyan oo Doollarka Mareykanka ah oo intii u dhexeysay 2008 illaa
2013 uu u fuliyey dalka Iran, iyadoo ay dalkaas saarnayd cunaqabatayn calami
ah.
Khuburo madaxbannaan ayaa sidoo kale ogaadey in bankiga Standard Chartered uu sidoo kaleku lug lahaa ku
dhawaad toban bilyan oo Doollar oo lacag adag oo loo waaridey kooxo dowladda
Mareykanku u aqaansantahay “agagixiso”, sida Xisbullah, Xamas, al-Qaeda and the
Taliban.
Haseyeeshee Bankiga ayaa si adag uga hor yimid eedeynta loo soo jeediyey,
isagoo ku andacoodey in dadka firimbiga ku yeeriyey aysan la soo shir tagin eedo
loo qaateen ah.
Mareykanka oo soo saaraya amarro culus oo dhanka socdaalka ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Soogalooti ku qulqulaya Mareykanka
Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu
Talaadada soo saaro amaro culus oo lagu xakameynayo qulqulka soogalootiga
sharci darrada ku soo gala Mareykanka.
Amarkan la qorsheeyey ayaa laamaha
socdaalka awood dheeri ah u siinaya in ay si degdeg ah u tarxiilaan dadka
seeragoyska ah, siiba kuwa ka soo tillaaba soohdinta dalkaasi la wadaago
Meksiko, islamarkaana aan la tixgelin codsiyadooda magangelyo.
In ku dhow Lix milyan iyo Bar soogalooti
ah ayaa la joojiyey iyagoo ka soo gudbaya xaduudda Mareykanka mudadii uu xilka
hayey maamulka Biden, taas oo u nugleysey dacaayado lagu durayo karaankiisa,
gaar ahaan xilligan oo uu olole ugu jiro dib u doorasho.
Migrant arrivals have plummeted this year,
however, although experts believe the trend is not likely to be sustainable.
Telefishinka CBS oo BBC-da bahwadaag ku yihiin Mareuykanka ayaa
wariyey madaxweyne Biden uu muddaba ka fikirayey adeegsiga sharciga 1952 kaas
oo u ogolaanaya in uu xaddido nidaamka magalngelyada Mareykanka.
Sharcigan oo loo yaqaan 212(f), ayaa
madaxweynaha Mareykanka siinaya awoodo u uku hakin karo shisheeyaha dalka soo
galaya, haddii uu u arko in imaanshoodu uu halis ku yahay danaha dalka.
Maresca oo noqday maamulaha cusub ee naadiga Chelsea
Xigashada Sawirka, Getty Images
Chelsea ayaa u magacowday Enzo Maresca in uu noqdo maamulaha cusub ee
naadiga iyagoo la galay heshiis shan sano ah iyo in lagu sii kordhin karo sanad
kale.
Maamulahan oo u dhashay Talyaaniga ayaa badalaya
Mauricio Pochettino oo ku tagay heshiis labada dhinac ah 21-kii May kaddib
markii uu hal xili ciyaareed la joogay naadiga.
Maresca waa 44 jir, wuxuuna ahaa maamulaha Foxes
isagoo la wareegay bishii June sanadkii 2023-kii, wuxuuna gaarsiiyay guul weyn.
"In aad ku biirto Chelsea oo ka mid ah
naadiyada ugu weyn adduunka waa wax uu tababare kasta doonayo” taasina waa
sababta aan ugu faraxsanahay fursadan ayuu yiri Enzo Maresca.
Maresca oo shaqadiisa cusub bilaabaya 1-da
july ayaa joogaya Stamford Bridge shanta sano ee soo socota
Safiir u dhashay UK oo xilka ka tagay kaddib markii uu qori ku taagay shaqaalihiisa
Xigashada Sawirka, X/@SUBDIPLOMATIC
Safiirka UK ee Mexico ayaa lagu soo warramayaa in uu ka tagay
shaqada horaantii sanadkan kaddib markii uu qori ku taagay mid ka mid ah
shaqaalaha safaaradda oo ah dadka deegaanka.
Muuqaal fidiyow ah oo la soo dhigay baraha bulshada oo
markii ugu horeysay ay warisay Financial Times ayaa lagu arkay Jon Benjamin oo qori
ku beegsanaya nin kale. Waxaana ku hoos qornaa si kaftan ah “Dilalka joogta ee
ay geysanayaan kuwa maandooriyaha ka ganacsada”
Mr Benjamin kama hadal ilaa hadda kaftanka sida xun loo dhigay,
mana jiraan war rasmi ah oo ku saabsan jagada Mr Benjamin oo ka soo baxay wasaaradda
arrimaha dibadda UK balse kuma jiro magaciisa in uu safiir yahay bogga
wasaaradda.
Mr Benjamin ayaa hore safiir uga soo noqday Ghana iyo Chile,
sumcadiisuna way ku duwaneyd heerka diblomaasiyiitna kale ee UK.
Afhayeen u hadlay xafiisk arrimaha dibadda UK ayaa sheegay
in ay la socdaan dhacdadaas, ayna qaadeen tallaabooyinka ku haboon.
In ka badan 30 kun ayaa lagu dilay Mexico sanadkii la soo
dhaafay. Wadanka waxaa ka jira sharciyo adag oo la xiriira hubka.
Nigeria ayaa la damiyay korontada iyadoo shaqaalahana ay shaqada joojiyeen
Xigashada Sawirka, GIFT UFEOMA/BBC
Koronto la’aan ayaa ka jirta Nigeria oo dhan kaddib markii
shaqaalaha dowladda ay shaqada joojiyeen. Duullimaadyada Lagos ee tagayay Abuja
ayey sidoo kale carqaladeysay koronto la’aanta. Sidoo kale waxaa la xiray
iskuulada, xafiisyada iyo isbitaalada dalka oo dhan.
Korontada ayaa go’aday xalay abaarihii labadii habeenimo
xiligaas oo xubno ka tirsan ururada ay horistaageen in shaqaalaha galaan
qololka laga xukumo korontada.
Shaqo joojinta waxaa lagu dhawaqay kaddib markii wadahadallada
dowladda ee la xiriiray mushaaraadka ay guuldaresteen. Ururada shaqaalaha ayaa
sidoo kale dalbanaya in laga noqdo qiima kordhinta korantada ee dhawaan la
sameeyay.
Ururada Shaqaalaha ayaa sidoo kale ugu baaqeen shaqaalaha
caafimaadka, bangiyada, socdaalka iyo qeybaha kale ee dalka in ay joojiyaan
shaqooyinka ilaa wargelin dambe.
Madaxweyne Bola Axmed Tinubu ayaa isku dayayay in uu jaro
lacagta ay dowladda ku kabto. Sicir bararka sii kordhaya iyo qiimaha lacagta
Nigeria ee Naira-da oo hoos u dhacday ayaa keentay in qiimaha kordho.
Dowalda Soomaaliya ayaa booqatay dhallinyaro tarhiibka ku tagay Libya
Wasiirka
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Barre
Maxamuud, ayaa Libya ku booqday qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku
sugan halkaas kuwaas oo tahriib ku tagay Libya, waxaa la qorsheynayaa in
Soomaaliya dib loogu celiyo.
Qoraalka Codka, Wasiir Maxamed Barre Maxamuud
In ka badan 50 qof ayaa kuleyl ugu dhintay Hindiya saddex maalmood gudahood
Xigashada Sawirka, Reuters
Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayey kuleyl u dhinteen dad
ka badan 50 qof dalka Hindiya oo kuleyl aad u weyn uu ka jiray qeybo ka mid ah.
Ku dhawaad 33 qof ayaa kuleyl dartii ugu dhintay gobolka
waqooyiga ee Uttar
Pradesh. Dadka dhintay waxaa ku jira kuwa ka shaqeynayay doorashooyinka guud.
Gobolka
Odisha waxaa kuleylka u geeriyooday 20 qof sida ay sheegeen sarkiil halkaas
joogta.
Dad
kale oo geeridooda lala xiriirinayo kuleylka ayaa laga soo sheegay gobolada
Bihar, Madhya Pradesh iyo Jharkhand.
Xarunta
xakameynta cudurada ee Hindiya ayaa ku tilmaantay kuleylka in uu yahay mid
halis gelinaya noolaha.
Dhowr
gobol oo kale ayaa waxaa ka jira biyo iyo koronto yari taas oo ka timid sida
weyn ee loo isticmaalay korontada. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu hoos
u dhaco
Shiinaha ayaa sheegay in ay xireen lammaane ay sirdoonka UK qorteen
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha ayaa ku eedeeyay sirdoonka UK in ay qorteen lammaane
Shiinees ah in ay u basaasaan. Waa tii ugu dambeysay eedeymaha u dhexeeya
Shiinaha iyo reer galbeedka bilihii u dambeeyay.
Sida laga soo xigtay wasaaradda amniga Shiinaha labada qof waxay
MI6 qoratay kaddib markii ay ka faa’ideysatay “baahi weyn” uu u qabay inuu helo
lacag Mr Wing.
Eedahan ayaa soo baxay toddobaadyo kaddib markii UK ay ku
eedeysay labo nin in ay Shiinaha u basaasayeen. Labada nin ayaa lagu eedeeyay
in ay dal shisheeye siiyeen dukomentyo ama macluumaad. Shiinaha ayaa ku
tilmaamay eedaha “Fadeexad xaasidnimo”.
Shiinaha kama hadal sida ay ku heleen kiiska Mr Wang iyo
xaaskiisa balse waxay sheegeen in ay ku heleen oo kaliya baaris.
Shiinaha ayaa laga yaabaa in kiiskan ay si aargoosi ah bannaanka
u soo dhigeen balse Beijing waxay sidoo kale hore basaasnimo ugu xireen kuwa
kale sida uu sheegay Chong Ja-Ian oo ah aqoonyahan ka tirsan machadka Carnegie ee Shiinaha.
Zelensky ayaa ka digay hadii Trump guuleysto in uu joojinyo kaalmada Ukraine
Xigashada Sawirka, EPA
Wargeyska Guardian ayaa daabacay wareysi
gaar ah uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky kaas oo ka digay
hadii Donald Trump ku guuleysto madaxweynenimada Mareykanka in uu joojinayo
taageerada militeri ee Ukraine la siiyo.
Trump ayaa sanadkii hore ballanqaaday hadii
uu ka adkaado Joe Biden in uu jarayo taageerada militeri ee Ukraine, dagaalkana
uu ku soo afjarayo 24 saac.
Dadka ka agdhow Trump ayaa sidoo kale ka
dhawaajiyay qorshe uu soo jeediyay oo lagu siinayo Ruushka gobolada bariga
Ukraine iyo sidoo kale Crimea si dagaalka loo soo afjaryo.
Madaxweyne Zelensky wuxu ku adkeystsay in
dalkiisa uusan aqbaleynin qorshe ceynkaas ah iyo in Ruushku ku qasbanaan in
dalkiisa ka haro fakarka ah in ay ku biiraan mustaqbalka NATO.
2019-kii ayuu Trump weydiisay Zelensky inuu
baaro dhaqdhaqaaqa Hunter Biden oo ah wiilka Biden. Waxaa la aamisan yahay sida
xog si qarsoodi loo helay inuu ku hanjabay Trump inuu joojinayo gargaarka
Mareykanka uu siiyo Ukraine hadii baarista aan lagu helin in Mr Hunuter uu xadgudub
sameeyay.
Illaa 300 oo xaaji ayaa maanta ka ambabaxay garoonka
diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport ee magaalada Nairobi, iyagoo ku sii jeeda magaalada
barakeysan ee Makka ee Boqortooyada Sacuudi Careebiya, si ay u soo gutaan
waajibaadka xajka.
Xujeydan ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyey madax ka socotey
dowladda Kenya oo uu horkacayey Wasiirka Gaashaandhigga, Aaden Barre Ducaale oo
ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya.
Sida qorshuhu yahay Kenya waxaa sannadkan ka xajinaya 3,300 oo
xaaji, ku waas oo hormo hormo u ambabaxaya.
Reer TikTok: Jiilka aan qaangaarin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ellie oo dalxiis ku joogta Sydney, ka dib markii ay shaqadii fasax ka qaadatay.
Guurso, guri yeelo, carruurna dhal. Waa waxa inta badan waalidkeen ku
fikiri jireen yaraantoodi. Laakiin sida ka muuqata hadalhaynta TikTok, inta
badan dhallinyarada maanta himilooyinkaas qorshaha uguma jiraan, haddiise ay
jiraan qaar ku haminaya noloshaas, waxay u badan tahay in ay dib u dhigaan
illaa qaybaha dambe ee cimrigooda.
Marka loo dhabbegalo muuqaallada qaar oo dhallinyaradu isku barbardhigaan
iyaga iyo waalidkood, gaar ahaan wixii waalidkood u qabsoomay markii ay facooda
ahaayeen iyo waxa iyaga u qabsoomay illaa hadda, waxaa kuu suu baxaya farqi
weyn oo u dhexeeya labada jiil.
Tusaale ahaan waalidaa
markii ay da’daada jireen, waxay u badan tahay in ay carruur lahaayeen, lagana
yaabo in ay ku jireen guri ay leeyihiin nuucuu doonaba ha aadee.
Laakiin marka carruurtoodi
la eego maanta, waxay u badan tahay in aysan intaba haysan, iyagoo laga yaabo
in ay ka aqoon badan yihiin waalidkood, islamarkaana haystaan aalado shaqada
sahla.
Ellie Harris oo 25
jir ah, waalidkeed markii ay iyada la filka ahaayeen waxaa u joogey 3 carruur
ah, iyadase weli faraha wax uguma jiraan. Sidaas oo ay tahayna waxay qabtaa in
dadku aalaaba iska indho-tiraan xaqiiqada meesha taal oo ah daruufaha labada
wakhti ay "gebi ahaanba kala duwan yihiin".
Ellie waxay dhallinyarada
faceed ah ku dhiirrigelineysaa in ay garowsadaan guulaha kale ee ay nolosha ka
gaareen balse aysan isku cabirin jiilashii ka horreeyey. Tusaale ahaan, in ay ka tageen shaqo aysan ku faraxsaneyn, in ay ka
qaybgaleen orodada dheer ama ay cawda jareen xiriir aan caafimaad qabin. Intaba waxay
u aragtaa guulo lagu faani karo.