Qabrigu ma socdee waxaa dumiya socotada

Magaalooyinku marka ay fidaan waxaa soo if baxa baahi loo qabo deegaan iyo jidad dheeraad ah. Taa waxay keenaysaa in magaaladu ku fiddo melihii markii ahaa koonayaasha ee ama qashinka lagu shubi jiray, ama miyiga ahaa, ama qubuuraha ahaa, waxaana halkaa ka dhasha muran dhex mara dadka iyo maamulka.
Mid ka mid ah tusaaleyaasha weli la xusuusto waxaa ka mid ah xaafadda ‘If iyo Aakhiro’, ama Xamar bile ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir oo ku fadhida qayb ka mid ah qubuuraha Jeneraal Daa’uud, waxaana dawladdii kacaanka ay ku amartay dadka eheladoodu ku aasnaayeen inay kala baxaan, ayadoo ka dibna laga dhisay guryaha hadda ku yaalla xaafadda Xamar Bile.
Magaalada Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ayaa iyana xaaladaas oo kale ay soo martay.

127 sanno ayaa laga jooga waagii halkan lagu aasay Orshe Ciise Cabdi oo ka mid ahaa reer Bosaasoodkii hore.
Xilligaas Magaaladu wax ay ahayd in kooban oo xeebta saaran, bartan qabrigiisu ku yaallo, oo haddeer afar dalool oo saddex dalool magaalada dhaaftayna, waxay ahayd goob banaan xilligii lagu duugayey marxuumkan.
Geedka dhamaska ah ayaa ku yaalla qabriga madaxiisa, kaas oo la ii sheegay in uu beeray wiil uu dhalay Orshe oo halka ku duugan, sida waxaa BBC-da u sheegay Ehelada ninka halkan ku duugan, iyaga oo intaa ku daray in ninka geedka beeray uu ahaa wiilka keliya ee uu dhalay marxuumkaasi, kaas oo isaguna dhintay Sagaashaneeyadii sida uu BBC-da u sheegay Maxamud Maxamed Jaamac oo ka mid ah Ehelada Oorshe oo qabrigan ku duugan.
''Orshe Ciise Cabdi waxa uu ku dhashay Bosaaso, wuxuu dhintay isag oo 72 sano jir ah sannadkii 1897, markaa ayaa halka lagu aasay'' ayuu yiri Maxamuud Maxamed Jaamac oo BBC-da la hadlay. Sidoo kale waxa uu Maxamuud sheegay in uu taariikhda ku hayo in sababtii Orshe halka loogu aasay ay ahayd dardaaran uu ku dardaaramay ugaaskii deegaanka Bosaaso xilliga ka talinayey.

in ka badan boqol sano kolkii uu halkan ku duugaanaa ayaa deegaanka waxaa ka hirgalay dhismaha maamulka Puntland, Kadib dhismihii Puntlandna waxaa qabriga ku soo beegmay waddo isku xirta madaxtooyada Bosaaso iyo dekedda, waxaana ehelada marxuumkan jidka ku aasan loo soo jeediyey in goobta laga beddelo, laakiin way ka biyo diideen arrintaas, iyaga oo ku adkaystay in uu halkiisan baaqi ku sii ahaan doono sida uu noo sheegay Maxamuud Maxamed Jaamac oo ka tirsan ehelada ninka qabriga ku duugan.
''Annagu inta aan ka saarno meeshii alle ka makan siiyey dhulka meel kale ma geyn karno, meeshaasi waa qabri geed iyo xayndaabna waa ugu yaal sidaa ayaan ugu deyney maamulkuna waa nala qaatay '' ayuu yiri Maxamuud Maxamed Jaamac.
Qabriga wadadda ku yaal waxa marar badan soo gaarey burbur iyada oo ay ku dhacaan gaadiidka wadadda maraya oo xandaabkiisa waxyeelo gaarsiiya, sidoo kale qabrigan waxaa burburka ugu weyn uu gaarey sannadkii 2021, xilligaas oo ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland dagaal ku dhex maray magaalada.

Aagan qabriga ayaa ahayd goobta ugu hadal haynta badan xilligaas oo ciidamadu isku hor dhafiyeen intii dagaalku socdey, iyada oo qabrigan xilligaas uu gaarey burbur dhanka dhismaha ku wareegsan ah.
Haddaba Maalintan aan sheekadan ka diyaarinayno Qabriga jidka ku dhex yaal waxaa laga wadey dayactir lagaga samaynayo burburka soo gaarey, sidaas oo ay tahayna gaadiidleyda wadada marayey oo intooda badan istaagey xilli aan goobtan joogney waxa ay soo jeedinayeen in qabriga iyo wadadda si la kala yiraahdo, laakiin marna may helayn Jawaab.
Xaafadda magaalada Bosaaso uu kaga yaal qabrigu oo u dhow dekedda waa u tilmaan, dadka magaaladuna si weyn ayey u yaqaaniin iyada oo loogu yeero geedka Qabriga.