Sida wiilkan Soomaaliyeed u hirgeliyay adeeg mobile oo Af Soomaali iyo afaf kale lagu barto
Cabdinur Cali Mahdi, oo bartay cilmiga tiknolojiyadda ayaa hindisay application, barnaamij ku shaqeeya mobileka oo ardayda ka caawinaya inay afkooda hooyo ku bartaan manhajyada iskuulada lagu barto.
Cabdinur oo BBC uga warramay sababta ku dhalisay inuu hal abuuro barnaamijkan ay ka faa’iidaysteen kummanaan arday ah ayaa sheegay in markii uu arkay baahida ay bulshadiisa u qabaan inay helaan aasaasiga waxbarashada uu ka soo tagay shaqadiisii ka dibna uu hirgeliyay app-kan.