Maxay muhiim u tahay in la baaro dhiigga caadada ee haweenka?

Dhiigga

Xigashada Sawirka, QVIN

Maalin walba, ilaa 800 oo milyan oo qof oo daafaha dunida ku nool ayaa ku jira toddobaadka caadada.

Marka la eego nambarkaas, waxaa yaab leh in wax yar uun laga ogyahay dhiigga caadada qudhiisa.

Sara Naseri, oo ah dhaqtarad, ayaa rajeyneysa inay arrintaas beddeshi iyadoo sameysay shirkad daryeelka caafimaadka ah oo lagu magacaabo Qvin. Waxay aaminsan tahay in tijaabada dhiiggan dumarka bishii ku dhaca ee la iska indho tiray ay wax weyn ka tari karto caafimaadka.

In la taageero fekerkeeda waqti ayuu qaadan doonaa, si kastaba, maaddaama uusan jirin baaritaan badan oo lagu sameeyay dhiigga caadada.

Iyadoo weli ku jirta jaamacad caafimaad ay ka barato, Dr Naseri ayaa keliya heshay hal daraasad oo laga sameeyay dhiigga caadada, warbixin sanadkii 2012 la qoray ayaa lagu xusay 385 borotiin oo gaar u ah dhiigga caadada.

Sidoo kale waxaa dhiiggan ku jira maaddooyin kale oo muhiim u ah uur-qaadista.

"Dhiiggi waa waxa ugu badan ee la adeegsado," ayay tiri Dr Naseri. "Waxaan is iri: 'Haweenka dhiig baa ka yimaada bil walba. Maxay tahay sababta aysan cidna dhiiggan ugu adeegsan ujeeddooyin caafimaad");