Sidee shaqada habeenkii u saamaysaa caafimaadka maskaxda?

Daal dareemid

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga habeenkii dad badan ayaa isu diyaarinaya inay seexdaan, shaqo cusub ayaa u bilaabata kuwa kale, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, saxafiyiin, shaqaalaha garoonka diyaaradaha, shaqaalaha warshadaha, shaqaalaha amniga, iyo kuwa kale oo ku shaqeeya xilliyada isbedelka shaqada.

Qaar naga mid ah ayaa laga yaabaa inay isku arkaan ku khasbidda nafta inay shaqeeyaan waqtiyo kala duwan sababta oo ah dabeecadda shaqadeena. Natiijo ahaan, waxaa laga yaabaa inaan uga nugulnaano kuwa kale tiro dhibaatooyin caafimaad, nafsi, iyo mid maskaxeed, iyo sidoo kale dhibaatooyinka shakhsi ahaaneed, qoyskeena, iyo nolosha bulshada sababtoo ah jadwalka shaqada ee kala duwan.

Tan iyo Kacaankii Warshadaha, qaybaha wax-soo-saarka iyo adeegyada waxay isticmaali jireen kala beddelka wakhtiyada shaqada si ay u kordhiyaan wax-soo-saarka iyo faa'iidada. Kahor 1990-meeyadii, wax yar ayaa laga ogaa saameynta wakhti wareejinta shaqada uu ku leeyahay caafimaadka shaqaalaha.

Daraasad la sameeyay bartamihii 1990-meeyadii, iyada oo la adeegsanayo xogta bukaan-socodka ayaa lagu ogaaday in kalkaaliyayaasha saacadaha shaqada ee habeenkii ay u badan tahay inuu ku dhaco kansarka naasaha,iyada oo khatartaasi kor u kacdo hadba tirada sannadaha ay ku qaadatay qabashada shaqada kala beddelka.

Haddaba, waligaa ma ka fikirtay in kala wareejinta wakhtigagaaga shaqada ay qayb ka tahay caafimaadka maskaxdaada ama jireed?

Waa maxay khataraha jireed iyo maskaxeed ee soo wajihi kara dadka?

Dakhtar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka hore, waxaa muhiim ah in la fahmo waxa loola jeedo nidaamka shaqada ee isbeddelka, taas oo macnaheedu yahay qaybinta saacadaha shaqada maalintii iyo toddobaadka oo dhan.

Shaqaaluhu waxa ay markooda hore u shaqeeyaan si ay u xaqiijiyaan sii socoshada ganacsiga, daboolaan baahiyahooda, ugana hortagaan in socodka wax soo saarku joogsado.

Halkii qayb ee wakhtiga kala beddelka shaqada waxa uu socdaa 8 ilaa 9 saacadood, wakhtiga habeenkii ama maalintii, waase haddii aysan ka badnayn saacadaha shaqada ee dhabta ah, sida uu dhigayo nidaamka hay'adda shaqaalaha ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Daraasado cilmi oo dhowaan la sameeyey ayaa muujiyey in shaqada isbeddelka ahi ay saamayn taban ku leedahay caafimaadka nafsiyeed iyo midka maskaxeed, waxa ayna kordhisaa khatarta cudurrada wadnaha, kansarka, buurnaanta, nooca 2aad ee macaanka, waallida, iyo guud ahaan dhimashada degdegga ah.

Daraasad cilmiyeed cusub oo la sameeyay dhowr sano ka hor ayaa lagu daabacay joornaalka cilmi-nafsiga caafimaadka shaqada, oo ay daabacday Ururka Cilmi-nafsiga ee Mareykanka, ayaa muujisay in dadka shaqeeya xilliyada kala beddelka ay aad ugu dhow yihiin inay la kulmaan niyad-jab, walaac, iyo hurdo la'aan marka loo eego kuwa ku shaqeeya jadwalka joogtada ah.

Cali Al-Mulqi oo ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa arrintan faahfaahiyay mar uu BBC-da la hadlay, waxaana uu yiri "Saacadda bayoolojigu waxa ay xakamaysaa dheecaanka hormoonnada, waxaanay nidaamisaa hurdada iyo niyadda, marka jirka lagu qasbo inuu shaqeeyo wakhtiga nasashada caadiga ah, dhammaan hab-dhiskiisa ayaa saamaynaya, tani kuma koobna oo kaliya hurdada, balse waxa ka mid ah xusuusta, dareenka iyo xiriirka bulshada.

Waxa uu intaa ku daray, "ku shaqeynta isbeddelka-jadwalka waxa ay leedahay saameyn maskaxeed iyo mid nafsi ah, sababta oo ah waxa ay keeni kartaa awoodda oo daciifta oo saameysa qabashada xirfadaha maalinlaha ah si caadi ah iyo hoos u dhaca iyo kor dhinta hawlaha maskaxda, sida feejignaanta, fikirka, xiriirka iyo hal-abuurka."

Dhakhtarka Cilmi-nafsiga Nuura Saalax ayaa xaqiijisay in khalkhalgelinta saacadda bayoolajiga ee noolaha ee sameeya shaqo kala beddelka wakhtiga ay tahay dhibaatada caafimaad ee ugu weyn.

Waxay tiri, "u shaqeynta habkan waxay carqaladeysaa nidaamka hurdada, maadaama saacadda bayoolojiga qofku ku sameysan yahay ay mas'uulka ka tahay nidaaminta hababka jireed, maskaxda, iyo habdhaqanka saacadaha qofka - waxaa saameeya iftiinka iyo mugdiga. Kala beddelka wakhtiga shaqada gaar ahaan habeenkii waxa ay carqaladeysaa shaqaynteeda, waxayna khalkhalisaa dheelitirka hababka jirka ee xakameeya.

Waxa ay sii sharaxday "fursadaha dhibaatooyinka sida hurdo la'aanta laga yaabaa inay kordhiso dadka shaqeeya kala beddelka saacadaha shaqada, tani waxay saameyn kartaa dareenka iyo dabeecadda qofka, taas oo ka dhigi karta mid xanaaq iyo kacsanaan leh. Haddii dhibaatooyinkan aan si dhaqso ah wax looga qaban, waxay kordhin karaan suurtagalnimada niyad-jabka."

Dr. Muhannad, oo ah khabiir ku takhasusay daryeelka degdegga ah oo la hadlay BBC-da ayaa yiri: "isbeddellada shaqada waxay si xun u saameeyaan dhammaan dhinacyada nolosha. Dhibaatada ugu weyn waa hurdada, taas oo ka dhalatay isbeddelka waqtiyada shaqada. Waxaan seexan karaa oo keliya wakhti aad u gaaban inta lagu jiro saacadaha shaqada, waxaanan kabsadaa hurdadii luntay wakhtiga aan la qaatay qoyskayga, inkasta oo aan aad u daalay oo ay hurdo I hayso markii wakhtigaygii haqada dhamaaday , waa ay adaghatay in la seexdo iyo tayada hurdada oo aad u liidata.

"Waxaan si dhab ah uga fiirsanayaa inaan shaqada ka tago"

Sarah Sweilem, oo ah saxafi u shaqeysa shabakad wararka internetka, ayaa ku tilmaantay wax ay ku qeexday "silica dhabta ah" ee ka dhashay ka shaqaynta nidaamka shaqada. Waxay tiri, "Waxaan ka shaqeeyaa mareegaha wararka, diyaarinta iyo soo saarista wareysiyada iyo isku dubaridka martida barnaamijyada, wararka, iyo warbixinnada goobta. Inkastoo aan waayo-aragnimo dheer u leeyahay arrimahan, waxaan kaliya ka shaqeynayay nidaamka kala beddelka wakhtiyada shaqada muddo ku dhow laba bilood oo ah mareegaha wararka, taasi oo dareen ahaan ah 20 sano, maahan oo kaliya muddadan gaaban."

Waxa iyada oo sii wada ay tiri, " Dareenkan ayaa ka dhashay ka go'aan la'aan maamul ee xilliga kala wareejinta wakhtiga shaqada, waxaana sababa kadiska kala beddelka waqtiga shaqada, haddii shaqo wadaagaaga uu daalan yahay, ay haysato xaalad gaar ah ama maamulaha goobta shaqada ay xiriir wanaagsan leeyihiin taasi oo siinaysa faa'iidada ah in aanu shaqeynin waqtiyo kala duwan. Tani waxa ay i saartaa cadaadis badan waxayna abuurtaa farqiga u dhexeeya shaqadayda iyo noloshayda, gaar ahaan maadaama aan haysto qoys aan u baahanahay inaan guto waajibaadkeyga."

Suwailem oo ka hadlaysa saamaynta nafsiga ah ee nidaamka isbeddelka wakhtiga shaqada ayaa tiri: "Isbeddellada aan kala sooca lahayn ee kala beddelka wakhtiga shaqada ayaa saameeya caafimaadkayga. Inta badan waxaan dareemaa daal sababtoo ah helitaan la'aanta hurdo igu filan, waxaanan si joogto ah uga fekerayaa dhamaystirka iyo maaraynta shaqada.

Waxaan bilaabay inaan si dhab ah u tixgeliyo inaan ka tago shaqadayda, gaar ahaan tan iyo markii aan u bartay inaan u shaqeeyo si gaar ah, saacado go'an. Hadda waxaan isku dayayaa inaan dib u soo celiyo isku dheelitirka shaqada iyo noloshayda gaarka ah, aniga oo qaadanaya indhoguduudsi yar si aan u soo celiyo una soo cusboonaysiiyo tamartayda.

Sidee shaqaalaha ku shaqeeya kala beddelka wakhtiga shaqada u ilaaliyaan caafimaadkooda?

Maskaxda Bini'aadamka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khubarada Cilmi-nafsiga ee kala ah Cali Al-Mulqi iyo Nuura Saalax ayaa isku raacsan dhowr qodob oo ay kula talinayaan cid kasta oo ka shaqaynaysa nidaamka isbeddelka wakhtiga shaqada, kuwaas oo kala ah:

  • Habbee jadwalka hurdadaada adiga oo isku dayaya in aad seexato isla markii ka dib wakhtiga shaqada meel mugdi ah iyo deegaaan deggen.
  • • Iftiinka dabiiciga ahi waxa uu kaa caawinayaa dib-u-dejinta saacada bayooloji, gaar ahaan shaqada xilliga habeenkii ka dib.
  • U qaybi isbeddellada xilliyada shaqada si hab caafimaad leh, maadaama ay lama huraan tahay in laga fogaado isbeddellada kadiska ee shaqada habeenkii iyo kuwa maalinka
  • Joogtee cunto dheeli tiran, hoosna u dhig qaadashada kafeega iyo sonkorta inta lagu guda jiro habeenkii.
  • Dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah. Waxaa lagu talinayaa in aad sameyso dhaqdhaqaaq kasta oo isboorti ugu yaraan saddex maalmood isbuucii si kor loogu qaado tayada hurdada oo korna loogu qaado caafimaadka dhimirka.
  • Ku celceli jimicsiga neefsashada qotada dheer iyo jimicsiga nasinta murqaha iyo maskaxda si loo kordhiyo feejignaanta, diirada, iyo dhaqdhaqaaqa.
  • Raadso taageero nafsi ah marka loo baahdo hana dib dhigin inaad la tashato dhakhtar ama cilmi-nafsi haddii aad isku aragto calaamado ay ka mid yihiin diiqad maskaxeed ama niyad-jab.

Ola Daana oo ku takhasusay nafaqeynta ayaa BBC u sheegtay in si loo xaqiijiyo cunnada isku dheeli tiran xilliga shaqada, ay tahay in dadku ay cuntada ku sii diyaariyaan guriga.

Waxa ay sharaxday: "Waxaa muhiim ah in la cuno cunto joogto ah oo dheellitiran oo ay ku jiraan karbohaydraytyo isku dhafan, borotiinno, iyo dufan caafimaad qaba sida kalluunka iyo khudaarta, marka lagu daro cabbitaanka biyaha si joogto ah si ay u helaan tamar iyo in la yareeyo dareenka joogtada ah ee gaajada.

Waxa kale oo lagula talinayaa in la yareeyo waxyaabaha ay ku jiraan maadada caffeine-ka iyo cuntooyinka qani ku ah dufanka, iyo in la doorto cunto fudud oo ay ku jiraan omega-3 iyo magnesium, kuwaas oo leh saamaynta nasinta dareemayaasha, iyo sidoo kale kuwa hagaajiya feejignaanta sida caanaha, lowska iyo mooska. "

Guud ahaan, cilmi-baarayaal iyo khabiiro badan ayaa aaminsan in inkasta oo saameynta nafsaaniga ah iyo maskaxeed ee laga yaabo inay la socoto wakhti beddelka shaqada kuwaa oo ay tahay inay la qabsadaan dabeecadda shaqadooda iyo shuruudaha ay u baahan yihiin iyagoo helaya habab wax ku ool ah oo dhab ah iyo tallaabooyin lagu yareynayo saameynta ay leeyihiin.