'Waxaan ku sigtay inaan is dilo, hadda aniga ayaaba caawiya hooyooyinka isku buuqa ka qaaday dhalmada'

- Author, Lara Owen
- Role, BBC World Service
Aabbeyaasha qaar waxay dubayaan basan, garaacayaan ukun iyagoo sidoo kale jarjaraya khudaar, halka qaar kale ay ciyaarsiinayaan dhallaan. Carruurta ayaa ku dheelaya qalabka ay ku ciyaaraan, iyagoo hooyooyinkood ay daawanayaan.
Iyadoo bartanka looga jiro fasal cunno-karin ah oo ka socda caasimadda Indonesia, Jakarta, ayay lammaanahani ka sheekeynayaan qisadooda.
Qaar badan oo haweenka ka mid ah waxay la daalaa dhacaan isku buuq, murugo iyo xaalado kale oo caafimaadka maskaxda ah.
Waa hardan ay Nur Yanayirah, oo ah aasaasaha MotherHope Indonesia (Rajada Hooyada indonesia) ay keliya si fiican u taqaanno.
Qiyaastii 12 sano kahor, waxay go'aansatay inay is disho. Balse, markii ay eegtay indhaha gabadheeda sagaal bilood jirka ahayd, wax baa iska beddelay go'aankeeda.
"Waxaan taabtay jirkeeda, waan carfiyay… waxaan dareemay, 'waa inaan cunugtan darteed isu beddelaa'," ayay tiri.

Waxay uur qaadday saddex bilood uun kadib markii ay dhashay ilmo meyd ah iyadoo toddobaad 28-aad ku jirta. Tiiraanyo, uur khatar ah iyo cadaadiska bulshada ee ah inay hooyo fiican noqoto oo la isu geeyay ayaa gayeysiiyay inay dareento rajo la'aan, ayna awoodi weyso inay seexato oo ay daryeesho gabadheeda.
Xilligaas kadib, waxay caawinaad u raadsatay dhaqtar caafimaadka maskaxda ah, waxaana laga helay isku buuqa dhalmada kadib, oo afka qalaad lagu yiraahdo postpartum depression.
Dalalka soo koraya, shantii haweenba mid ka mid ah oo markaa uun dhashay ayaa waxaa soo food-saara xanuun maskaxiyan ah – caadi ahaan isku buuq, sida laga soo xigray Ururka Caafimaadka Adduunka.
Isbeddellada hoormoonka ayaa saameyn kara caafimaadka maskaxda inta lagu guda jiro uurka iyo kadib, iyo sidoo kale xaaladaha qofka uga sii dara sida dhalmada iyo foosha oo adag, saboolnimo iyo qof uu jecel yahay oo uu waayo.
Nur ayaa keligeed dhibtooneysay sagaal bilood. "Cidna ima fahmin, cidna waxba iima sheegin," ayay tiri. "Markii aan caafimaaday… waxaan isku dayay inaan dadka u fidiyo caawinaaddii aan aniga helin."

MotherHope Indonesia hadda waxay leedahay 200 mutadawiciin ah oo si gaar ah u tababaran, waxayna qabataa oo ka taageertaa kooxo kala duwan casharro karinta ah oo loogu talagalay aabbayaasha. Sidoo kale, waxay dhistay kooxo dhanka Facebook ah oo ka kooban 58,000 qof.
Nadia waxay joogtaa fasalka karinta si ay u la wadaagto qisadeeda, maadaama ay la kulantay niyadjab iyo welwel ka dib markii ay dhashay ilmaheeda ugu horreeya.
"Murugada way sii dheeraatay. Ma seexan karin, way xumeyd, waxna maan cunayn" ayay tidhi.
"Niyada ayay ka ooyi jirtay, had iyo jeer way cadhaysnaan jirtey" ayuu yidhi seygeeda Rakean. "Mana aan garanaynin waxa aan sameeyo."
Laakiin markii uu ka qaybgalay kalfadhiyadan, wuxuu bartay sida uu uga taageeri karo – nadiifinta, beddelidda xafaayadaha, iyo daryeelka ilmaha.
"Hadda haddii xaaskaygu ooyayso ama daalkeeda laga dareemo wajigeeda, waxaan hayaa fikrad wanaagsan oo ku saabsan waxa aan sameyn karo," ayuu yiri.
Nadia waxay heshay daawo iyo la-talin, waxayna rabtaa in hooyooyinka kale ay ogaadaan in xaaladdaha ay ku jiraan laga bixi oo in laga soo kabtaa ay suuragal tahay.
Gabadhooda ayaa hadda 5 jir ah halka wiilkooda labaad uu yahay 3 jir. Rakean ayaa had iyo jeer dhiirigelin siiya marka ay wax adkaadaan: "Markay tiraahdo 'Ma awoodo inaan noqdo hooyo wanaagsan'… taasi waxay u baahan tahay in la siiyo kalsooni," ayuu yidhi.

Xigashada Sawirka, Nur Yanayirah
BBC-da waxay ka waraysatay haween ku sugan saddex dal oo kala duwan kuwaasoo bilaabay barnaamijyo hoos yimaada bulshadooda si ay u taageeraan caafimaadka maskaxda hooyooyinka, taas oo inta badan ay keentay dhibaatooyin nololeed oo ay iyagu la kulmeen.
Dr. Neerja Chowdhary, oo ah khabiir ku takhasusay caafimaadka maskaxda ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), waxay sheegtay in tusaalooyinkani muujinayaan in "khibradda tooska ah ay kordhiso kalsoonida iyo fahamka", taasoo ka dhigeysa in lammaanuhu is taageero "arrin wax ku ool ah" oo wax ka taraya maankooda marka ay la tacaalayaan caafimaadka maskaxda.
Waxay sheegtay in adeegyada ku saleysan bulshada oo lagu heli karo qiimo jaban ay si weyn u hagaajin karaan caafimaadka maskaxda hooyooyinka ee wadamada dakhliga hoose iyo kuwa dhexe. Si kastaba, waxay ku dartay in tababar ku filan iyo kormeer joogto ah ay "aad muhiim u yihiin" marka laga hadlayo taageerada is-dhexgalka ah.
In ka badan 8,000km oo ka fog Indonesia, dalka Zimbabwe, Angie Mkorongo ayaa sidoo kale ku qasbanaatay inay tallaabo qaado ka dib markii ay la tacaashay dhibaatooyin caafimaad oo maskaxeed.
Markii gabadheeda ay dhashay 27 sano kahor, waxay la daalaa-dhacaysay fikrado cabsi leh oo si lama filaan ah ugu soo dhici jiray maskaxdeeda.
"Waxaan xusuustaa inaan ka fikiri jiray, 'Ka waran haddii aan barkinta ku ciijiyo ilmahayga");