Iran oo la shaaciyay inay haysato agabkii ay ku sameyn lahayd Niyukleer

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rafael Grossi, oo ah agaasimaha guud ee wakaaladda tamarta nukliyeerka ee caalamiga ah, ayaa ka digay in inkasta oo "Iran aysan hadda haysan hub nukliyeer ah, haddana ay leedahay walxaha lagama maarmaanka u ah dhisidda hub Nyukleer."
Wareysi uu siiyay Financial Times, Grossi wuxuu sidoo kale ka digay in haddii Iran ay hesho hubka nukliyeerka, ay keeni karto 'falcelin ka dhacda Bariga Dhexe'.
Agaasimaha guud ee hay’adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in burburka ku yimid wada-hadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ay “si macquul ah u horseedi karto tallaabo millatari” oo ka dhan ah Iran, khatartaas oo ay muujiyeen Maraykanka iyo Israa’iil.
Dhanka kale, Britain, iyo , oo ahaa kuwii saxiixay heshiiskii nukliyeerka ee 2015, ayaa ka fiirsanaya in dib loo hawlgeliyo cunaqabataynta Qaramada Midoobay