window.__reverb = {}; window.__reverb.__reverbLoadedPromise = new Promise((resolve, reject) => { window.__reverb.__resolveReverbLoaded = resolve; window.__reverb.__rejectReverbLoaded = reject; }); window.__reverb.__reverbTimeout = setTimeout(() => { window.__reverb.__rejectReverbLoaded(); }, 5000);

QM oo ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo dad lagu laayay xarun gargaar oo Qasa ku taalla

Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah

Tebin toos ah

  1. Suudaan: Shan ku dhimatay kolonyo QM ay leedahay oo weerar lagu qaaday

    WFP

    Xigashada Sawirka, .

    Shan xubnood oo ka tirsan kolonyada Qaramada Midoobay oo gargaar u siday magaalada El-Fasher ee dalka Suudaan ee ay colaaduhu halakeeyeen ayaa lagu dilay weerar, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay.

    Dhowr qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, baabuur badanna waa lagu gubay weerarka habeenkii Isniinta, kaas oo ka dhacay meel u dhow El-Koma ee gobolka Waqooyiga Darfur, ayay intaa raaciyeen.

    Labada dhinac ee dagaalka sokeeye ee ba’an ku haya dalka Suudaan – Ciidamada Rapid Forces (RSF) iyo ciidanka caadiga ah – ayaa isku eedeeyay in uu midba midka kale ku weeraray kolonyada Qaramada Midoobay ee aan duuliyaha lahayn.

    QM ma aysan faahfaahin weerarka iyo sida uu u dhacay, balse waxay ku baaqday in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo, isla markaana lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay.

  2. Codbixinta Kuuriyada Koonfureed oo muujineysa in Lee Jae-myung uu noqon doono hogaamiyaha xiga ee dalkaas

    Codbixintii la dhiibtay ka dib doorasho madaxtinimo oo degdeg ah oo ka dhacday Kuuriyada Koonfureed ayaa muujineysa in Lee Jae-myung ee xisbiga Dimuqraadiga uu noqon doono hogaamiyaha xiga ee dalkaas.

    Waxa la saadaaliyay in uu heli doono in ka badan kala bar codadkii la dhiibtay.

    Doorashadan ayaa la sheegay ka dib markii madaxweynihii ugu dambeeyay, Yoon Suk Yeol, xilka laga xayuubiyey kadib markii uu isku dayay inuu sharciga uu baal-maro.

    Caleema saarka hogaamiyaha cusub ayaa la filayaa inay dhacdo horaanta Arbacada.

    Hoggaamiyahan ayaa waxaa horyaalla hawlo adag oo ay ka mid tahay midaynta Kuuriyada Koonfureed ka dib lix bilood oo fowdo siyaasadeed uu jiray dalkaas.

  3. Ukraine oo tallaabo kale oo hor leh ku qaaday Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Laamaha ammaanka ee dalka Ukraine ayaa sheegay in howlgal ay ciidamadooda qaadeen subaxnimadii hore ee saaka, ay ku doonayeen in ay ku burburiyaan buundada istiraatiijiga ah ee isku xirta Ruushka iyo Crimea.

    Waxa ay sheegtay in kow iyo toban kiilo garaam oo walxaha qarxa ah la geliyey biyaha hoostooda oo meel fog laga qarxiyey wax yar ka hor shantii subaxnimo.

    Waxa ay ku andacoonaysaa in tiirarka buundada ee biyaha hoostooda ay waxyeelo soo gaartay, taas oo ka dhigtay mid aan ammaan ahayn in la isticmaalo.

    Axaddii ayay ahayd markii Ukraine ay weerar la yaab leh ku qaaday afar saldhig oo ciidammada cirka ah oo ku yaalla Ruushka.

  4. Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la baaro weeraro ka dhacay Gaza

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa noqday mas'uulkii ugu dambeeyay ee ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo saddex dhacdo oo khasaare nafeed geystay oo kala duwan kuwaas oo ka dhacay meel u dhow xarumaha uu Maraykanku taageero ee qaybinta gargaarka ee Gaza.

    Wasaaradda caafimaadka ee dhulka ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in ugu yaraan toddobo iyo labaatan qof lagu dilay dhacdadii ugu dambeysay ee Talaadadii. Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay rasaas ku fureen koox ka leexatay waddadii loo asteeyay inay galaan oo ay iska dhega tireen rasaas digniin ah.

    Volker Turk ayaa sheegay in nidaamka militariga, ee ay Qaramada Midoobay diiday inay ka qayb qaadato, uu khatar gelinayo nolosha, uuna jabinayo heerarka caalamiga ah.

    (Israa'iil ayaa beenisay in ay Falastiiniyiin ku toogteen isla goobtaas Axadii.Isniinti saddex qof ayaa la sheegay in lagu dilay xarun kale oo gargaar lagu qaybinayey.

  5. In ka badan 200 oo maxbuus oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Pakistan kaddib dhul-gariir halkaas ka dhacay

    In ka badan 200 oo maxabuus oo ka baxsatay xabsi ku yaalla Pakistan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, In ka badan 200 oo maxabuus oo ka baxsatay xabsi ku yaalla Pakistan

    In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada ugu weyn Pakistan kaddib dhul gariir saacadihii hore ee Talaadada maanta ah ka dhacay halkaas, sida ay booliisku sheegeen.

    Kumanaan maxaabiis ah ayaa jabiyay albaabada iyo qufullada qolkooda iyo daaqadaha ka dib markii ay dareemeen gariir gilgilay darbiyada xabsiga Malir ee Karachi.

    Dadka xabsiga ka baxsaday, ayaa boolisku sheegay in 80 maxbuus dib loo soo qabtay, waxaana weli socda baadigoobka in ka badan 130 qof. Hal maxbuus ayaa ku dhintay howlgalka, waxaana ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidanka Asluubta.

    Kormeeraha xabsiga ayaa BBC-da u sheegay in maxaabiistu ay saqdii dhexe ee xalay ka bilaabeen qolalka ay ku jiraan iyo xeryahooda iyagoo ka cabsanaya in dhismaha uu ku soo dumo.

    Ka dib markii uu jahawareerka isu bedelay gacan ka hadal, boolisku waxa ay sheegeen in ay kaga jawaabeen rasaas digniin ah, iyaga oo rasaas cirka u ridayay.

    Iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku soo noqdeen qolalkoodii, qaar kalena waxay soo weerareen albaabka weyn iyaga oo argagaxsan - taas sababtay in 216 maxbuus ay fursad u heleen inay gabi ahaanba ka baxsadaan xabsiga.

  6. Bill Gates oo 99% hantidiisa ugu deeqaya Afrika

    Bill Gates

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Bill Gates

    Aasaasaha Shirkadda Microsoft Bill, Gates ayaa sheegay in hantidiisa ugu badan uu ku bixin doono horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada Afrika 20-ka sano ee soo socda.

    69 jirkan ayaa yidhi "waa in ahmiyad weyn la siiyo arrimaha bani aadantinnimada iyada oo la taageerayo dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, waddan kasta oo Afrika ku yaala waa in uu noqdaa mid barwaaqo ah".

    Isagoo ka hadlayay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, wuxuu sidoo kale ku boorriyay hal-abuurka da'da yar ee Afrika in ay ka fikiraan sidii loo dhisi lahaa garaadka macmalka ah (AI) si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee qaaradda.

    Bill Gates ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu bixin doono 99% hantidiisa tirada badan- taasi oo uu rajaynayo in uu gaadho $200bn (£150bn) - marka la gaadho 2045.

  7. Maxay tahay sababta ay ciidammada Burundi uga baxeen Xawaadley?

    Ciidammada Burundi

    Xigashada Sawirka, AUSSOM

    Qoraalka sawirka, Ciidammada Burundi

    Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa xaqiijiyay in ciidammadii Burundi ee fadhigoodu ahaa deegaanka Xawaadley ee Waqooyi Bari ee Caasimadda Muqdisho si nabad ah looga saaray, kaddib markii ay daadad xooggan ka dhaceen aaggaas.

    Intii lagu guda jiray daad guraynta Isniintii, mid ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ayaa la kulmay cilad farsamo. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo caqabaddani ay jirto, duuliyayaashu waxay si xirfadaysan u maareeyeen diyaaradda si ay si nabad ah ugu degto.

    Dhammaan ciidammadii iyo shaqaalihii diyaaraddaasi saarnaa ayaa lagu guuleystay in loo daad gureeyo saldhigga ugu dhow ee ciidanku leeyahay ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay barta ay ciidammada AUSSOM leeyihiin.

    “Waxaan bogaadineynaa tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada AUSSOM ee Burundi intii ay ku guda jireen howlgalladan xasaasiga ah, waxaanan mar kale xaqiijinaynaa taageerada aan sii wadno shacabka iyo dawladda Federaalka Soomaaliya si loo yareeyo saameynta fatahaadaha,” ayuu yidhi Kareem Adebayo, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya.

  8. 24 qof ayaa lagu dilay xero gargaarka lagu qaybiyo oo Qasa ku taalla, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadku

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Agaasimaha Guud ee cisbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa sheegay in 24 qof ay dhinteen 37 kalena ay ku dhaawacmeen “kaddib markii ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo gargaar ku sugayay Rafah.

    Waxa uu sheegay in dhamaantood la geeyay cisbitaalka, ayna u badan yihiin dhaawacyo rasaas ah.

    Ciidammada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay in ay rasaas rideen kadib markii uu “tuhun” ka abuurmay meel u dhow goob gargaar lagu qaybinayay, ayna ka warheleen khasaaraha ka dhashay.

  9. Waa kee waddanka ugu xun in ilmo lagu dhalo?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dalka Nayjeeriya waa dalka ugu khatarta badan adduunka ee marka laga hadlyo in ilmo lagu dhalo. Marka loo eego qiyaasihii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ay dalkaasi ka samaysay iyo xogo la ururiyay 2023, 100kii haween ahba mid ayaa u dhimata foosha ama maalmaha ka dambeeya dhalmada.

    Taasi waxay ka dhigeysaa meesha ugu halista badan ee aanu qofnaba jeclaysayan in uu ilmo ku dhalo.Sannadkii 2023-kii Nigeria ayaa wax ka badan rubuc ama 29% ka ahayd dhammaan dhimashada hooyada uurka leh ee adduunka oo dhan. qiyaastaasi waxa ay la mid tahay in 75,000 oo haween ah ay umul-raacaan sannad walba ama in todobadii daqiiqaba ay haweenay u dhimato dhacdo la xidhiidha dhalmada.

    Shaqaale yari iyo tas-hiilaad la'aantu ayaa loo sababaynayaa in ay qayb weyn ka tahay xaaladdan walaaca leh.

  10. Waa kuma ninka dabka qabadsiiyay bannaan-baxayaal Maraykan ah oo taageersanaa Israa'iil?

    .

    Xigashada Sawirka, Police

    Qoraalka sawirka, Soliman

    Nin lagu eedeeyay in uu walxaha qarxa ku tuuray mudaaharaadayaal ku sugnaa Colorado, dalka Maraykanka oo diidanaa la haystayaal Israa'iil ee Qasa ayaa baadhayaashu ay ka bixiyeen faahfaahin dheeraad ah. Maxamed Sabry Soliman oo 45 jir ah ayaa wareysi uu bixiyay markii la xidhay kaddib waxa uu u sheegay booliiska in uu qorsheynayay weerarka muddo sannad ah, isaga oo damacsanaa in uu ku beego marka gabadhiisu ay dugsiga sare ka qalinjabiso.

    Saraakiisha ayaa sheegay in ninkaasi uu u dhashay dalka Masar. Waxa uu bartilmaameedsaday koox dibad-baxayaal ah oo taageersan Israa’iil oo ku sugnaa carwo ku tallla Boulder isaga oo ku qeylinayay “Falastiin xor ah” markii uu tuurayay aaladaha dabka dhaliya, isagoo dhaawacay siddeed ka mid ah dadkaasi.

    Waa weerarkii ugu dambaysay ee la weeraro bulshada Yuhuuda ee Maraykanka. Mudaaharaadkan oo todobaadkiiba mar la qabto ayaa lagaga soo horjeeday lahaystayaasha Israa'iil ee ku xabbisan Marinka Qasa.

  11. Falastiiniyiin lagu dilay xarun gargaar oo baadhitaan lagu samaynayo

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in baadhitaan madax bannaan lagu sameeyo Falastiiniyiin lagu laayay meel u dhow xarun gargaar oo ku taalla Gaza, maalintii Axadda, iyadoo ay jiraan warar lagu muransan yahay oo sheegaya in ciidammada Israa’iil ay rasaas ku fureen dad sugayay in ay gargaar helaan.

    Goob joogayaal ayaa sheegay in dadkaasi la toogtay xilli ay cunto ka sugayeen xarunta Rafah oo ay maamusho Hay’adda Bani’aadantinimada Gaza ee Mareykanka iyo Israa’iil ee GHF. Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in cisbitaalkeeda la geeyay 179 dhaawac ah, oo 21 ka mid ah ay dhinteen. Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee ay Xamaas maamusho ayaa ku sheegtay dhimashada 31 qof. Axaddii, militariga Israa’iil ayaa beeniyay in ciidammadoodu ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo goobta ka dhawaa ama ku sugnaa, waxayna sheegeen in wararka arrintan la xidhiidha ay yihiin kuwo been abuur ah.