Israa'iil oo hubeynaysa beelaha ka soo horjeeda Xamaas ee Qasa ku nool

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay "ku howlan tahay inay Xamaas ku jebiso siyaabo kala duwan

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay "ku howlan tahay inay Xamaas ku jebiso siyaabo kala duwan

Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa'iil ay hub siinayso beelo ku sugan Qasa kuwaas oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Xamaas.

Hadalka Netanyahu ayaa yimid kaddib markii warbaahinta Israa'iil ay soo xigatay ilo dhinaca difaaca ah oo sheegayay in Netanyahu uu oggolaaday in hub la siiyo koox gaar ah oo ku sugan koonfurta Qasa.

Siyaasiyiin Israa'iiliyiin ah oo dhowr ah ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu khatar gelinayo ammaanka Israa'iil.

"Maxaa ka khaldan arrintan");