Sida boqolaal diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ugu burbureen isla hal goob

Xigashada Sawirka, Getty Images
Matxaf ayaa dhawaan laga furay gobolka Arunachal Pradesh ee dalka Hindiya. Waxaa halkaas lagu hayaa haraadiga diyaaradihii ku burburay buuraha Himalaya intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.
Laga soo bilaabo 2009, koox ka kala socota Hindiya iyo Maraykanka ayaa hawlgal raadin ah ka sameeyay buuraha Arunachal Pradesh. Hawlgalkan, ayaa lagu helay hadhaaga boqollaal diyaaradood oo burburay 80 sano ka hor.
Waxaa lagu qiyaasaa in ku dhawaad 600 oo diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah ay ku burbureen dhulka fog ee buuraha Himalayas. Ugu yaraan kun iyo shan boqol oo isugu jira shaqaalaha diyaaradaha iyo rakaab ayaa la sheegay inay ku dhinteen.
Dhacdooyinkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee Hindiya waxa ay socdeen 42 bilood. Markaas ayay ahayd markii diyaaradahaasi ay burbureen.
Dadka dhintay ayaa isugu jiray duuliyayaal Mareykan iyo Shiinees ah, shaqaale idaacadeed iyo askar.
Agab dagaal ayaa la siin jiray ciidamada Shiinaha ee ka yimid Assam iyo Bengal. Waqtigaas, dariiqa hawada ee diyaaradahani waxay mari jireen silsiladaha buuraha dhaadheer ee Himalayas.
Dagaalkii labaad ee dunida u dhexeeyay Jarmalka, Talyaaniga, Japan oo dhinac ah iyo Faransiiska, Ingiriiska, Maraykanka, Midowga Soofiyeeti iyo Shiinaha oo dhinaca kale ah ayaa gaadhay gobolka Waqooyi Bari ee Hindiya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay ahayd waqti ay ciidamada Jabaan ka soo gudbeen xadka Hindiya.
Intaa ka dib, marinkaas hawada sare ee Himalayas wuxuu halbowle u noqday xulafada. Sababtoo ah dariiqa dhulka ee Myanmar ayaa u xirnaa iyaga xilligaas.
Laga soo bilaabo Abriil 1942, Maraykanku wuxuu bilaabay hawlgallo militari.
Inta lagu jiray muddadaas, qiyaastii 6 boqol 50 kun oo tan oo hub ah ayaa si guul leh loo daabulay iyadoo la adeegsanayo diyaarado.
Agabkani waxa uu si weyn uga qayb qaatay guushii xulafada.
Duuliyayaashu waxay marin-haweedkan khatarta ah u bixiyeen 'The Hump' oo ka dhigan kuruska.
Waxay aadi jireen Shiinaha iyagoo kasoo kicitami jiray Himalayas, waxayna inta badan soo marayeen Arunachal Pradesh. Waxaa loo aqoonsanaa inay tahay marinka hawada ugu khatarta badan caalamka.
14-kii sano ee la soo dhaafay, koox ka kooban khubarada buuraha, arday, dhakhaatiir, khubaro dhanka dambi baarista ah oo u kala dhashay Hindiya iyo Mareykanka ayaa howlgalo baaritaan ah ka sameeyay keymaha cufan ee Arunachal Pradesh, oo xuduud la leh Myanmar iyo Shiinaha.

Xigashada Sawirka, Madxafka HUMP
Tan waxaa ku jiray xubno ka tirsan Hay'adda Xisaabaadka POW/MIA (DPAA). Ururkan Maraykanka ah ayaa baadigoob ugu jira askartii lagu waayay dagaalka.
Iyagoo kaashanaya qabiilada deegaanka, kooxda ayaa gaartay goobta saxda ah ee shilalku ka dhaceen kadib dadaalo bilo ah. Hadhaaga ugu yaraan 20 diyaaradood iyo dhowr diyaaradood oo la waayey ayaa laga helay halkaasi.
Waxa uu ahaa olole adag. Socdaal lix maalmood ah ka dib, laba maalmood oo safar waddo ah, kooxdu waxay awooday inay helaan hal goob oo shil.
Dhanka kale, kooxda ayaa ku xayiran buuraha muddo saddex toddobaad ah ka dib markii ay ku dhufatay duufaan.
"Waa dhul dhib badan, laga bilaabo bannaan fidsan ilaa buuro. Cimiladu waxay ahayd dhibaato weyn halkan. Waxaan samayn karnaa tan ka hor xilliga jiilaalka iyo xilliga dayrta," William Belcher, khabiir ku takhasusay baaritaanka oo ka qaybqaatay socdaallada ayaa sidaas yiri.
Maxaa kale oo lagu ogaaday hawlgalka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taangiyada Ogsajiinta, Qoryaha Dhashiikaha, Qalfoofka Diyaaradaha, Lafoofyada, Lafo, Kabo iyo Saacado ayaa lagu helay howlgalkan baadi goobka ah.
Waqtigan xaadirka ah, tijaabada hiddasidaha (DNA) ayaa laga qaaday si loo aqoonsado qofka dhintay.
Gacan xirka ciidanka cirka ee maqan iyo hadhaagii tooriyo af badan ayaa laga soo saaray qof tuulo goobta ka dhow ku noolaa.
Qaar ka mid ah goobihii ay shilku ka dhaceen ayaa waxaa horay u booqday dadka deegaanka. Waxay ku iibiyeen aluminium goobta laga helay xashiishka dib loo habeeyo ahaan.
Laakin hadda madxaf ayaa loo dhisay agabkaas iyo xusuusta la socota.
Matxafku wuxuu ka furmay Pasighat, oo ah magaalo qurux badan oo ku taal Arunachal Pradesh, oo ku taal cirifka Himalayas. Magaciisu waa 'The Hump Museum'.
Diyaaradaha waxaa soo ridi jiray duufaannada buuralaydan oo aad u daran. Sida lagasoo xigtay Turner oo ah khbiir ku takhasusay cimilada, sagaal diyaaradood ayaa hal goob ku burburay. 27 ka mid ah shaqaalihii diyaaradaha iyo dadkii kale ee sarna ayaa dhamaantood ku dhintay.
"Duufaannada ku dhacay marin-haweedkan waxay ahaayeen kuwo aad u xooggan oo weligay ma arag wax la mid ah meel kale oo adduunka ah," ayuu yidhi Turner.
Waalidiinta dadka la la'yahay waxay moodayeen in caruurtoodu wali nool yihiin.
Pearl Dunaway, hooyada dhashay duuliyaha maqan ee Joseph Dunaway, ayaa gabay tirisay 1945kii.
"Aaway wiilkaygii, aniga iyo aduunkuba waxaan rabnaa inaan ogaano, miyey fushay hawshiisii, mise wuu ka tagay dhulka? Mise wuxuu joogaa aduunka? Mise weli wuxuu dhex wareegayaa kaymaha Hindiya");