Dhegeyso: Maamulka Jigjiga oo taallada Sayidka ka raraya bartamaha magaalada
Magaalada Jigjiga waxaa ka taagan hadal hayn la xiriirta qorshe ay dawladdu soo bandhigtay, kaasoo taallada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan looga rarayo bartamaha magaalada oo ay ka taagnayd muddo 10 sano gaaraysa.
Dadka talaabadan dhaliilsan waxaa ka mid ah madax hore u soo maamushay deegaanka, magaalada Jigjiga, iyo dad shacab ah.
Duqa magaalada Jigjiga Injineer Shaafi Axmed Macallin ayaa ujeedada ay taallada u rarayaan ku tilmaamay ayadoo dib u habayn xagga waddooyinka ah ay halkaa ka socdaan, iyo goobta ay taalladu ku taallo oo aan munaasab ahayn. Nimcaan Cismaan ayuu u warramay.